District About Us
Locate a School
Directory
Calendars
Contact Us
Sitemap
 
 
 
SPPS Main site
H1N1 Novel Virus Update

Sida degmooyinka kale ee gobolka waxaa degmadeena ku sii kordhaya ardayda lagu arkayo jirada infilawaysada oo kale ah. Saraakiisha waxbashada degmaduna waxay si joogta ah xiriir iskaashi ula leeyihiin khubarada caafimaadka ee meelaha kale jooga.

Marka laga hadlayo xanuunka infilawaysada aadka loo buunbuuniyey ee loo yaqaan H1N1, mahadi ha ka gaardhee, waxaan hadda ka ognahay in ka badan intaan gugii la soo dhaafay ka naqaaney. Siyaabo badan ayaa xanuunka H1N1 u shabahaa noocyada kale ee infilawaysada. Sababtaas awgeed, waxaad isgaarsiinta mustaqbalka arkidoontaan in marka dadka lala socodsiinayo inay u diyaar garoobaan xanuunkaan, dugsiyada degmadu isticmaalidoonaan magaca ah diyaargaroowga infilawaysada haddii aanay jirin sabab si gooni ah loogu soo qaado magaca cudurka ama fayraska H1N1. Sida mararka kalaba arimuhu yihiin, ma saadaalin karo sida xiliga hada lagu jiro ee ah wakhtigii infilawaysadu dilaaci jirtay uu sanadkaan noqondoono. Xanuunka lagu magacaabo H1N1 waa jiro ina ku cusub waanu isbadali karaa, sikastaba ha ahaatee, tusmooyinka Xarumaha Kontoroolka Cuduradu xanuunkaan ka bixinayaan waxay la mid yihiin tusmooyinka ay ka bixiyaan noocyada kale ee infilawaysada ah, kuwaas oo kala ah:

·      Gamcaha oo Ladhaqdo

·      Afkaaga oo si haboon loo daboolo markaad qufacayso

·      Dhismaha oo si joogtaha loo nadiifiyo

·      In guriga lagu nasto marka qofku jiranyahay

·      In horay loo daweeyo ruuxa ama dadka halista saa’idka ah ugu jira inay qaadaan cudurka infilawaysada.

Xarunta Kontoroolka Cuduradu (CDC) waxay idin kula talinaysaa in dadka xanuunka infilawaysada oo kale ah qabaa ay ka fogaadaan dadka kale xitaa kadib marka ay qandhada ama xumadu ka jaboto  ugu yaraan 24 saacadood. Sidoo kale waxaa aad la idiinku adkaynayaa inaad qaadataan talaalka duraygaan marka ugu horaysa ee u soo baxo.

Wasaarada Caafimaadka ee Minnisota waxay leedahay talefoon laga soo wici karo si ay uga jawaabaan su’aalaha la xiriira infilawaysada, calaamadaheeda iyo sida loo xanaaneeyo qofka ay ku dhacdo. Dadka reer Minnesota ee calaamadaha duraysga isku arkaa waxay wici karaan talefoonka lacag la’aanta ah : 1866- 259-4655

 Haddii cunuggaagu u baahanyahay in la daweeyo ama aad dhakhtar u baahantahay, fadlan waxaad la soo xiriirtaa hay’ada lagu magacaabo Neighborhood Health Care Network oo talefoonkeedu yahay 651-489-2273 (waxaad ka helaysaa dad ku hadla Hmong, Spanish, iyo Somali).

 Akhbaaro dheeraad ah oo la xiriira H1N1 ayaa waxaa laga helayaan bogga interneetka ee Wasaarada Caafimaadka Minnesota oo magaceeda loo soo gaabiyo MDH waana sidaan: www.mdhflu.com  (wuxuuna ku qoranyahay luuqadaha kala ah Hmong, Spanish, iyo Somali).

 Intaa waxaa weheliya, boggaga interneetka ee hoos ku qoran waxaad ka helaysaa akhbaaro muhiim ah oo Af Soomaali ku qoran kuna saabsan sidaad naftaada iyo bulshadaada uga ilaalin lahayd xanuunka H1N1 (plse insert links):   

Horay u sii baro waxaad ka samayn lahayd durayga - H1N1

Ka taxadar Durayga - H1N1

 Iskuuladeena, maamulayaasha iyo injineeradu waxay raacayaan habka caadiga ah ee nadaafada iyo caafimaadka, taasoo ay ku jirto nadaafada musqulaha oo had iyo jeer la lasocdo si loo hubiyo in saabuun cusub iyo xaashiyaha lagu tirtirtaa ka buuxaan. Sida ay dugsiyada degmadu samaynayeenba, wixii ka soo kordha sheekada infilawaysada H1N1 boggaan interneetka ayaa lagu soo qoridoonaa