This is a Demo Print View
 
Waxaa diyaar kuu ah qof dhexdhexaadiye ah (ombudsperson).
Waxaa diyaar kuu ah qof dhexdhexaadiye ah (ombudsperson) si uu kuu caawiyo. Qofka dhex dhexaadiyeha ah waxaa loola jeedaa, qofka wax ka qaban kara oo si fiican oo cadaalad ah idiin dhexdhexaadin kara haddii adiga iyo dugsiga muran idin soo kala dhexgalo oo aad marar badan isku daydo inaad wax ka qabato laakiin aad ku guulaysan waydo. Dhex dhexaadiyuhu waa qof sadexaad oo si dhab ah arintaada u dhagaysanaya, baaraya, si cadna u kala dhig dhigaya, una xalinaya. Suaalahaaga, wixii aad ka cabsanayso, iyo wixii canaan ah ee aad u soo jeedinayso Dugsiyada Dadwaynaha ee St. Paul. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in si cadaalad ah loola dhaqmo oo si xushmad leh iyo wakhti macquul ah arintiisa loo meelmariyo. Muxuu Qofka Dhex Dhexaadiyaha ahi Kuu Qaban Karaa? Dhexdhexaadiyuhu- luuqad ahaan waa magac. Sidaan soo sheeganay waa qofka dhegaysta isla markaasna baaritaanka ku sameeya dacwadaha Dhanka ka ah Dugsiyada Dadwaynaha ee Saint Paul, barnaamijyada dugsiyada, xaafiisyada, iyo shaqaalaha. Dhex dhexaadiyuhu dadka uma kala hiiliyo. Wuxuu la shaqeeyaa waalidiinta, xubnaha bulshada, iyo dugsiyada degmada si uu u kala cadeeyo una xaliyo wixii suaalo iyo dacwo ah si cadaaladi ku jirto iyo wakhtiga ugu macquulsan. Dhamaan adeega uu qofka dhexdhexaadiyaha ahi idiin qabanayaa waa lacag laaan. Goormaad la soo xiriiri kartaa qofka dhexdhexaadiyaha ah? Waxaad qofka dhexdhexaadiyaha ah la oo xiriiri kartaa marka aad isku daydo wax kasta oo aad qaban karto, laakiin:
  • Aadan wali ku qancin jawaabtii ay ku siiyeen macalinka, maamulaha, shaqaalaha ama dugsiyada degmadu.
  • Haddii aad si aad ah ugu khilaafsantahay goaanka ay qaateen sida fasalada ardayda la fariisinayo, anshaxa dugsiga nidaamkiisaee ay sameeyeen macalinka, maamulaha, shaqaalaha ama dugsiga degmada.
  • Haddii lagaaga soo jawaabi waayey codsi aad ku doonaysay inaad ku hesho akhbaar ka mid ah kuwa iskuulka.
  • Haddii aadan xal caadil ah dhibaatadaada u heli karin.
  • Haddii kale oo aadan garanayn si kale oo aad jawaab dhibaatadaada ugu hesho isla markaasna aadan cid ku caawisa heli karin.
Sideebaad ula soo xiriiri kartaa qofka dhexdhexaadiyaha ah? Waxaad la soo xiriirtaa qofka dugsiyada dadwaynaha u qaabilsan dhex dhexaadinta oo la yiraahdo Dana Abrams, taleefon (651) 767-8119. Waxaad riixdaa 4 si aad qof Soomaali ah ula hadasho ama fariin ugu dhaafto. Waxaad kaloo akhbaartaada Dana Abrams ku soo gaarsiin kartaa habka shabakada kombuyuurka ee loo yaqaan email-kaas oo ah dana.abrams@spps.org