Qorshaha SPPS ee looga Jawaabayo Koronofayruska (COVID-19)
-
Bed-qabka ardaydeenna iyo shaqaalaheenna waa mudnaanteenna koowaad. Waxaynu idinla wadaagi doonnaa wixii cusub iyo macluumaad kale annagoo qoysaska ka caawinayno yareynta halista marka ay joogaan guriga iyo bulshada dhexdeeda.
-
Warkii u Danbeeyay iyo Farriimaha ku Socdo Bulshada
MACLUUMAAD DHEERAAD AH
-
Muxuu Ilmahaygu u Joogayaa Guriga oo uusan Iskoolka u aadayn?
Cunuggu yuusan iman iskoolka haddii:
- ay haysay qandho gaarayso 100 F iyo wax ka badan (oo afka laga cabbiray) muddo ah 24 saacadood ee u danbeysay isaga oo aan LA SIINIIN daawo qandhada ka jebiso
- uu matagay ama uu shubmayay 24 saacadood ee u danbeysay
- ay ka soo baxeen nabarro yar yar oo aan la aqoon sababka keenay (weyddii dhakhtarkaaga ka hor intaadan cunuggaaga u soo dirin iskoolka)
-
Qadka Su’aalaha ee COVID-19
- Ma qabtaa wax su’aalo ah oo ku saabsan COVID-19?
- Wac 651-201-3920 oo ah Qadka Su’aalaha COVID-19 ee Wasaaradda Caafimaadka Minnesota
- Maalin walba saacadaha 7 a.m. ilaa 7 p.m.