Tallaabooyin lagu Badbaado ee Baska Iskuulka

  • Danger Zone Somali

    Tallaabooyin lagu Badbaado ee Baska Iskuulka
    Ardayda ku soo noqonaya iskuullada Saint Paul ha xasuusnaadaan arrimahan muhiimka ah:

    • Maadaama ay saacadaha kala horeyn karaan, ogow waxa muhiim ah in aad timaaddid shan daqiiqo ka hor meesha iskuul baska laga raaco.
    • Fiiri warqadda ka warramaysa basaska iskuulka cunuggaaga si aad u ogaatid meesha uu basku ka qaadi doono cunuggaaga iyo meesha uu ku dejin doonnaba.  Wixii su’aalo ah, wac iskuulka cunuggaaga.
    • Isticmaal kaarka uu iskuulka bixiyo ama adigaba keenso kaar loogu tala-galay caruurta.  Waxaad ku qortaa magaca caruurtaada, cidda lagala soo xiriiri karo markii ay dhacdo xaalad degdeg ah, cinwaanka gurigooda, lambarka baska, iyo magaca iskuulkooda.
    • Intuusan iskuulku billaabanin, cunuggaaga tus sida loo aado, loogana yimaado, meesha ay baska iskuulka ka raaci doonaan.  U sheeg goorta iyo goobta ay baska ku sugi lahaayeen.
    • Maalmaha ugu horreeyo, u sagooti carruurta meesha baska laga raaco.  Sidoo kale ku sug meesha ay baska uga soo deganayaan markii ay iskuulka ka soo noqdaan.
    • Iskuulka wac haddii aad dooneysid in aad beddeshid cinwaanka meesha la dhigayo ama laga soo qaadayo carruurtaada.  Cunugga waxa laga yaabaa in uu yeesho meelo kala duwan oo laga soo qaado, laguna soo celiyo.  Hayeeshee waxa shardi ah in shan maalmood isku ahaadaan meesha cunugga laga soo qaadayo iyo meesha lagu soo celinayo—oo aysan is-beddelin isbuuc gudahiisa.  Basku waxa uu ardayda u qaadi karaa keliya ama guri ama meel lagu hayo carruurta (day-care).  Sidoo kale waxa shardi ah in meesha uu basku ka soo qaadayo ama dhigayo carruurtaada waa in ay noqotaa meelaha la oggolyahay ee iskuulka laga aado, ama waa in ay noqotaa nawaaxiga iskuulka ee uu basku maro.
    • Mar walba baska ku sug baska waddada dhinaceeda.  Saf u gal baska.
    • Sug inta uu basku ka istaagayo inta aadan u dhawaanin baska.  Basaska iskuulku waa wax weyn oo culus, si dhaqso ahina uma istaagi karaan.  Taxaddar muuji inta aad ka ag-dhowdahay basaska, oo ka fogow meelaha qatarta leh ee baska taasoo gaaraysa illaa 10 tallaabo
    • Weligaa ha gooynin waddada illaa uu darawalka baska fidiyo gacanta baska, isagoo kuu baaqaya in aad waddada si nabad leh ku gooyn kartid.
    • Haddii uu baskaagu imanin xilligii la sugayay subaxdii, wac iskuulka cunuggaaga ama Transportation Department (Wasaaradda Gaadiidka).