• spring break resources - somali

    Fasaxa Xilliga Gu’ga Maarso 30-Abriil 6: Barnaamijyada iyo Waxyaabaha La Samayn Karo

    Fasaxa xilliga gu’gu wuxuu billabanayaa Jimcada, Maarso 30. Hoos waxaa ku daabacan macluumaad laga heli karo SPPS iyo ururrada ay wada-shaqaynta leeyihiin si loo hubiyo in arday walba uu helo fasax xiiso badan oo haddana ammaan ah.

    Hawlaha iyo Barnaamijyada

    SPPS Community Education
    Barnaamijka Waxbarashada Bulshada ee SPPS waxay ardaydu ka heli karaan barnaamijyo kala duwan oo qiimo jaban. Dhallinyaradu waxay kala dooran karaan inay helaan tababarka carruur-haynta ama sida loo ilaaliyo loona bad-baadiyo dadka biyaha ku dabbaalanaya (lifeguard). Ardayda dugsiga hoose waxay ka qaybgali karaan ciyaaraha jimicsiga (gymnastics).

    • Ardayda fasallada Preschool - fasalka 12
    • Abriil 2-6
    • Qiimuhu wuu kala duwanyahay wuxuuna ku xiranyahay nooca barnaamijka. Booqo bartan si aad u hesho faah-faahin.

    Barnaamijka TeenVenture
    Booqo goobaha shaqada aroornimadii hore, kaddibna saaxibadda waqti la qaado galabnimadii. Ardaydu waxay samaynayaan saddex booqosho oo shaqooyinka la xiriira aroornimadii, galabtiina waxay booqan doonaan goobaha lagu nasto.

    • Wuxuu u furanyahay dhammaan ardayda SPPS ee fasallada 6-8
    • Abriil 3-5
    • Qado ayaa goobta laga bixinayaa
    • Waa lacag la’aan/bilaash
    • Diiwaan-galintu waxay dhammaanaysaa Maarso 30

    Barnaamijka Rock Climbing Half-Day Camp
    Barnaamija Vertical Endeavors wuxuu ardayda siinayaa barnaamijka xiisaha badan ee koritaanka/fuulitaanka dhagaxyada waaweyn inta lagu jiro xerada nasashada ee maalinta badhkeed ah.

    • Wuxuu u furanyahay dhammaan ardayda SPPS ee fasallada 6-12
    • Abriil 5
    • Qiimuhu waa $55

    Maktabadaha Saint Paul Public Libraries
    Wax badan ayaad ka faa’iidaysan kartaan barnaamijyada ka baxa maktabadaha magaalada inta lagu jiro xilligan fasaxa ah ee gu’ga. Sidoo kale, waaliddiintuna way ka soo qaybgali karaan barnaamijyadan.  

    • Ardayda fasallada 1-6
    • Booqo bartan si aad u hesho macluumaadka goobaha iyo barnaamijyada
    • Abriil 2-6
    • Waa lacag la’aan/bilaash
    • Diwaangalintu muhiim/qasab ma’aha

    Goobaha Saint Paul Parks & Recreation
    Maamulka magaalada Saint Paul waxay ardayda siiyaan barnaamijyo badan oo lacag la’aan ah ama qiimo jaban. Ardayda fasalka Preschool iyo kuwa dugsiga hoose waxay ka qaybgali karaan barnaamijyada ciyaaraha, farshaxanka, ama sayniska. Dhallinyaradu waxay ka qaybgali karaan ciyaaraha kubbada kolayga ama ‘robotics camps’, ama waxay ka qaybgali karaan tababarka carruur-haynta ama lifeguard-ka.

    • Ardayda fasallada Preschool – fasalka 12
    • Abriil 2-6
    • Qiimuhu wuu kala duwanyahay wuxuuna ku xiranyahay nooca barnaamijka. Booqo bartan si aad u hesho faah-faahin.

    Goobaha YMCA Day Camp Adventure Days at Camp St. Croix
    Ka qaybgalka ‘Day Camp Adventure Days’ waxay ilmahaaga u tahay fursad qaali ah oo ay ku soo arkaan dhirta iyo waxyaabaha dabiiciga ah. Xilli kasta waxaa goobtan laga helayaa barnaamijo xiiso leh oo ay ka mid yihiin: fuulidda geedaha, isticmaalka leebka, habka barafka loogu dul ciyaaro, barashada waxyaabaha dabiiciga ah, ciyaaro, iyo waxyaabo kale oo badan.

    • Ardayda fasallada K- 6
    • YMCA Camp St. Croix (gaadiidka baska ayaa laga helayaa YMCA-ga ku yaalla Midway)
    • Abriil 2-6
    • Qiimuhu waa $40 maalin walba
    • Diiwaan-galintu waxay dhammaanaysaa Maarso 26

    Como Park Zoo & Conservatory
    Carwada xayawaanada ee Como Zoo waxaa laga helayaa bandhigyo, barnaamijyo iyo waliba sheekooyin. Si aad u hesho macluumaadkan oo dhamaystiran, booqo www.comozooconservatory.org. Galitaanku waa $3 oo tabarucaad ah dadka waaweyn ilmahana $2.

    Matxafka Miinnesota Children’s Museum
    Matxafka Children’s Museum ku qaado maalin nasaho iyo ciyaar ah oo ay ka mid tahay ‘Daniel Tiger’s Neighborhood: A Grr-ific Exhibit’. Qiimaha galitaanku waa $12.95 qof walba. 

    Matxafka Science Museum of Minnesota
    Si aad u hesho macluumaad ku saabsan Matxafka Science Museum, booqo www.smm.org.

    Goobaha Cuntada

    Fishes and Loaves
    Casho bilaash ah oo qoyska oo dhan ah, ma jirto wax su’aal ah oo lagu weydiinayaono.

    • St. Matthew’s Catholic Church, 510 Hall Ave., St Paul, MN 55107
      651-224-9793
      5-6 p.m. Isniin - Jimce
    • Dorothy Day Center, 183 Old 6th Street West, St. Paul, MN 55102
      612-204-8485
      4:30-5:30 p.m. Axad - Jimce

    Neighborhood House (Paul and Sheila Wellstone)

    • 179 East Robie St., St. Paul, MN 55107
      651-789-3630
      Suuq cunto oo aan u baahayn ballan oo u adeega qoysaska ku nool aagga lambarkan boostada 55107.
      9-11:30 a.m. iyo 1-3:30 p.m. Isniin, Talaado, Arbaco, Jimce
      9-11:30 a.m. Khamiis 

    Francis Basket Food Market

    • Sibley Manor, 1293 East Maynard Drive, St. Paul, MN 55116
      651-699-0986
      Suuq cunto oo aan u baahnayn ballan oo u adeega qoysaska ku nool aagga lambarkan boostada 55116.
      9-11:30 a.m. Isniin 9-11:30 a.m. iyo 1-3:30 p.m. Talaado iyo Jimce 

    Hallie Q Brown Food Shelf

    • 270 North Kent Street, St. Paul, MN 55102
      651-224-4601
      Suuq cunto oo aan u baahnayn ballan oo u adeega dhammaan qoysaska.
      9 a.m. - 6 p.m. Isniin, 9 a.m. - 5 p.m. Talaado - Khamiis iyo 9 a.m. - 3 p.m. Jimce

    Salvation Army

    • 401 West 7th Street, St. Paul, MN 55102
      651-242-4316
      Cuntooyin la siiyo dhammaan qoysaska.
      Suuqa Cuntada: 9-11 a.m. Isniin iyo Arbaco, 1-3 p.m. Talaado iyo Khamiis
    • Payne Ave., 1019 Payne Ave., St. Paul, MN 55130
      651-776-8169
      Waxaa laga bixiyaa qado iyo cuntooyin kale oo la siiyo dhammaan qoysaska. Cuntada dukaanka waxaa helaya oo kaliya 15-ka qof ee ugu soo hormara, waxaana loo kala helayaa sida loo soo kala hormaro.
      Qadada: 11:45 a.m. - 12:45 p.m. Isniin - Jimce
      Suuqa Cuntada: 9-10:30 a.m. and 2-3:30 p.m. Isniin - Jimce

    Fare for All

    • 763-450-3880
      Cunnooyinka laga iibsado dukaamada oo tayo leh. Waxaana ka mid ah helib iyo waxyaabo kale oo la heli karo maalmo kooban oo bisha gudaheeda ah. Waxaa adeeggan heli kara dhammaan qoysaska. Waxaa wax lagu gadan karaa lacag caddaan ah, kaaraka bangiyada iyo waliba kan cuntada ee dowlada ee loo yaqaanno EBT.

    Minnesota Food Helpline

    • 1-888-711-1151
      Waxay kaa caawin karaan inaad heso meelo aad ka heli karto cunto dheeraad ah oo aagga aad deggantahay ku taalla.