Boggan si joogto ah ayaa war cusub loogu qoraa. Fadlan mar dhow ka soo war doon haddii aan laga jawaabin su’aashaada.
-
Dulmar Guud
Maxay iskoolladu u xiran yihiin?
Governor Tim Walz wuxuu Axaddii, March 15, awoodda fulinta ku saxiixay amar ah in iskoollada K-12 la xiro Arbacada, March 18 ilaa Jimcaha, March 27. Xiritaankan wuxuu iskoollada u oggolaanayaa inay diyaariyaan qorshe ah waxbarasho online ah (distance learning) haddii lacalla loo baahdo in iskoolladu sii xirnaadaan wakhti dheer. Saint Paul Public Schools way xiran yihiin Isniinta, March 16, iyo Talaadada, March17, si ardayda loogu diyaariyo inay iyagoo guriga joogo ay waxbartaan (distance learning) iyo in la diyaariyo adeegyadii cunno-siinta inta ay iskoollada gobolku xiran yihiin.Ilaa imisa ayay xirnaanayaan iskoolladu?
Iskoolladu waxay xiraan ilaa Jimacaha, March 27.Sidee buu cunuggeygu wax u sii baran karaa inta ay iskoolladu xiran yihiin?
Waxaa jiro meelo badan oo laga helayo waxbarasho online ah kuwaasoo bilaash ah ama ardayda ka dhaafayo lacagtii la bixin jiray inta lagu jiro xilligan. Meelo fiican oo wax laga baran karo online ahaan waxaa ka mid ah:Fasaxa gu’ga ma wuxuu u dhacayaa sidii loo qorsheeyay ee ahayd March 30 ilaa April 3?
Wakhtigan isaga ah, fasaxii gu’ga wuxuu u dhacayaa sidii la qorsheeyay..Ma la baajin doonaa munaasabadaha iskoollada?
Isu-imaadkii waaweynaa ee bulshada iyo hawlihii ay iskoolladu ku lug lahaayeen sida ciyaaraha qoob-ka-ciyaarka, isboortiska, masraxiyadda, iyo ruwaayadaha waa la baajiyay ama dib ayaa loo dhigay laga billaabo March 13. Fadlan booqo website-ka iskoolkaaga wixii xog qaas ah ee ku saabsan munaasabadaha la baajiyay.
Degmada SPPS ma sii wadi doontaa qorshayaashii safarrada ee ay ku lug laheyd?
Waa la baajiyay dhammaan dalxiisyadii waxbarashada la xiriiray ee qorshaysnaa iyo safarradii ahaa dal iyo dibedba ee ay degmadu qabanqaabinaysay -
Caafimaadka iyo Fiyoobida
Cunuggeyga daawo ayaa ka taallo iskoolka. Sideen ku heli karaa?
Fadlan halkan kala xiriir school health office staff (shaqaalaha caafimaadka ee iskoolka) si loo sameeyo qorshihii lagu qaadi lahaa ama guriga loogu diri lahaa daawadaas sidii loo baahdo. Markay suuro-gal tahay, shaqaalaha caafimaadka ayaa la xiriiri doono qoysaska si ay ugala shaqeeyaan hawsha qaadashada iPad-yada.Ma jiraan adeegyo caafimaad oo la helayo inta iskoolladu xiran yihiin?
Inta iskoolku xiran yahay, waxaa furmayo xarumaha Health Start ee iskoollada Como Park, Harding, Highland Park, Johnson iyo Gordon Parks oo laga heli karo daryeel, caawin nafaqo, kaalmada caafimaadka dhimirka, iyo waxbarashada caafimaad-qabka. Fadlan booqo https://www.spps.org/Page/38777 oo arag saacadaha iyo wixii faahfaahin dheeraad ah.
Qofna xarumahan iskoolka ugama baari karno hargabka ama xanuunka COVID-19. -
Adeegyada Cuntada
Ardayda ma heli doonaan adeegyo cunto? Goormaa cunta cunuggeyga la keeni doonaa?
Haa, qoysasku waxay maalin la isla og yahay cuntada ka qaadan karaan goobta uu baska SPPS soo istaago ama meel iskool ah. Jadwalka cuntada oo dhammeystiran iyo faahfaahin kaleba fadlan booqo: https://www.spps.org/Page/38776Ma inaan cuntada ka soo qaataa goobtii caadiga ahayd ee uu baska iman jiray mise iskoolka ayaan ka soo qaadan? Maxaan sameyn haddii ay caruurtaydu dhigtaan iskoollo kala duwan?
Qoys walba wuxuu ilmihiisa cuntada uga qaadi karaa goobta baska iskoolku istaago ama iskoolka.
Waxaan gefay markuu basku keenayay cuntada. Weli cunto ma u heli karaa cunuggeyga?
Cunnada waxaa laga qaadan karaa iskoolka nus saaca hore ee uu caadiyan iskoolku furan yahay maalmaha Arbacada, Khamiista, ama Jimcaha taas oo ay ku xiran tahay jadwalka iskoolka. Fadlan ka akhriso jadwalka oo dhammeystiran halkan: https://www.spps.org/Page/38776 -
Waxbarashada Online-ka/Tiknoolajiga
Goormay billaaban duruusta waxbarashada online-ka ah (distance learning)?
Barnaamijkan waxbarashada online-ka ah wuxuu billaaban haddii amarka xiritaanka iskoolladu uu sii socdo fasaxa gu’ga ka dib (oo ah March 30-April 3). Xiritaankan heerka gobolka ah ee March 18 ilaa March 27 wuxuu iskoollada Saint Paul u oggolaanayaa inay diyaariyaan qorshe ah waxbarasho online ah (distance learning) haddii lacalla ay dhacdo in iskoolladu sii xirnaadaan wakhti dheer xanuunka COVID-19 dartiis.Sideen ku heli karaa iPad-ka cunuggeyga?
Dhammaan iskoollada waxay qoysaska u sheegeen inay soo doontaan iPad-yada maalinta Talaadada, March 17. Tan waxay quseysaa ardayda dhammaan ardayda dhigato fasallada K-12; ardayda dhigato PreK uma baahno iPad-yo si ay u qabtaan hawsha wax la baranayo iyadoo guriga la joogo (distance learning). Haddii aysan qosyku iskoolka ka soo qaadan karin iPad-ka, Degmada ayaa ardayda guriga ugu geyn doono ama waxay Degmadu idinku ballamin meeel kale oo shaqeynayso Fadlan la soco wixii xog cusub ah ee ka yimaado iskoolkaaga.
Maxaa xal ah haddii aan internet ku heysan guriga?
Qoysaska aan guriga ku heysanin internet, agagaarkiinna waxaa laga helayaa Xfinity oo qadkeeda leh hotspot bilaash ah.https://corporate.comcast.com/covid-19. -
Caruur-haynta
Maxaan sameyn haddii aan shaqo aadayo iyadoo ay caruurtu guriga ii joogaan?
Dhammaan xarumaha Discovery Club waxaa loo xiray amarkii dawladda ka soo baxay ee iskoollada lagu xirayay. Xilligan qoysaska uma helayno caruur-hayntii caadiga aheyd.Maxaa xal u ah caruurta ay waalidkoodu ka shaqeeyaan gurmadka degdegga ama kuwa caafimaadka ka shaqeeyo?
Waaxda Saint Paul Community Education ayaa caruur-hayn bilaash ah u samayn doonto caruurta da’doodu tahay 5-12 jir ee ay dhaleen shaqaalaha caafimaadka iyo dadka gurmadka ah ee ku nool xudduudda Saint Paul School District. Waxaa macquul ah in lagu weyddiiyo caddeynta shaqada. Saacadaha, xarumaha, iyo is-diiwaan-gelintaba ka booqo: https://www.spps.org/ekidscare