-
WAXBARASHADA ONLINE-KA EE SPPS
Toddobaaka koowaad ee waxbarashada online-ka ee SPPS oo April 6 ilaa 10 waxaa loola dhaqmayaa sidii toddobaadka u horreeyo markii iskoollada la furi jiray,
Degmada SPPS way fahansan tahay culeyska ay ardayda, qoysaska, iyo shaqaalahaba ku hayaan xaaladahaan uu keenay saf-marka COVID-19. Waxayna SPPS garowsan tahay in ku dhawaad bil ay ardaydu ka maqnaayeen iskoolka.
Waxaynu kale oo aynu garowsannahay in ardaydu ay ku soo noqonayaan iskoolka iyagoo wax ku baranayo qaab ka duwan kii hore ee ay yaqaanneen.
Isniinta, April 6, waxay degmada SPPS dhammaan ardayda u billaabaysaa barnaamijka Waxbarashada Online-ka ah ee kala xilliga la qaadanayo
Noocan waxbarasho ee online-ka ah waxay ardayda iyo qoysaska siinaysaa in ardaydga iyo qoyskiisu helaan fursad ay si xor ah ugu shaqeeyaan. Waxaan rumaysanahay in marka la eego duruufaha aan ku jirno ay sidani tahay qaabka ugu fiican ee ay SPPS u billaabi karto waxbarashada online-ka ah.
Student Expectations by Grade Level
-
Waxbarashada Hore ee Ardayda Qaba Baahiyaha Gaarka ah loogu Talogalay
Ardayda ku qoran barnaamijyada Pre-Kindergarten iyo Early Childhood Special Education ee ECSE (Waxbarashada Hore ee Ardayda Qaba Baahiyaha Gaarka ah) waxaa waxbarashada loo soo marin doonaa App-ka Seesaw iyo macluumaad kale oo ka imanayo xafiiska barnaamijka School Home Partners in Learning – wuxuuna macluumaadkaas ku qoran yahay afaf kale.
Waxbarashada Online-ka ee fasalladan waxaa qeyb ka wada ah caruurta, dadka hayo caruurtaas, iyo duruus si taxaddar leh loo soo xulay. Maalin walba waxay macallimiinta oo isticmaalaya App-ka Seesaw ardayda siinayaan macluumaad iyo waxbarasho ilaa 2.5 saacadood ah.
Qoysaska waxay macallinka la xiriiri karaan maalin walba ama toddobaadkiiba mar taasoo ku xiran wixii ay isla qorsheeyeen qoyska iyo macallinkooda. La xiriiridda macallinka waxaa lagu sameyn karaa App-ka Seesaw (fiidiyow ahaan, ama faallo aad qortid, ama sawir aad soo gelisay Seesaw), email ahaan ama warqad aad boostada soo dhigtid.
Barnaamijka Seesaw, macallimiintu waxay maalin walba soo gelin ugu yaraan hal dersi oo ka mid ah shanta qeyb ee nooca waxbarasho ee loo yaqaan Early Childhood Workshop. Waalidka ama qofka daryeelo caruurta ayaa maalinkii hal mar ardayga la sameyn doono hawlaha duruusta.
Ardayda helo adeegyada baahiyahooda gaarka ah (Early Childhood Special Education) waxaa la siin waxbarasho loogu talogalay baahidooda IFSP iyo IEF taasoo ay ku jirto talobixin la siinayo waalidka/qofka daryeelayo ilmaha, talooyinkaas oo quseeyo meel-marinta qorshayaasha maalinlaha ah.
-
Waxa laga Doonayo Ardayda Dhigato Fasallada K-5
Laylisyada/Waxqabadyada/Casharrada
Casharradu maalin kasta ardayga waa u diyaar wakhtigii uu iskoolku bilaabanayay, 7:30 a.m., 8:30 a.m. ama 9:30 a.m.
- Ardayda K-2: Macallimiintu waxay maalin kasta casharka soo galinayaan Seesaw
- Ardayda Fasallada 3-5: Macallimiintu waxay maalin kasta casharka soo galinayaan Schoology
Caadi ahaan waxbarashada online-ka maalinlaha ah ardayda dugsiyada hoose ee SPPS waxay qaadan karaan inta u dhaxaysa 2-2.5 saacadood. Saacadaha ay caadi ahaan ardaydu ku jiri doonaan online maalinta ay iskoolka dhiganayaan waa waa 1-2 sacadood isku gaynta guud.
Isxaadirinta/Joogitaanka
Isxaadirinta waxa la qaadayaa maalin kasta marka ardaygu ka soo jawaabaan farriinta macallinka K-2 oo ah “Soo dhaweynta Subaxnimo/Morning Welcome” ee uu macallinku ku soo diray Seesaw (K-2) ama ay ka soo jawaabaan farriinta macallinka “Soo dhaweynta Subaxnimo/Morning Welcome” ee lagu soo diray Schoology (3-5). Ardayda waxa la farayaa inay macallinka uga soo jawaabaan farriinta “Soo dhaweynta Subaxnimo/Morning Welcome.”
- Ardayda K-2: Waxay soo dhigayaan Seesaw jawaabta farriinta macallinka ee ah “Soo dhaweynta Subaxdii.”
- Ardayda Fasalla 3-5: Waxay soo dhigayaan Schoology jawaabta farriinta macallinka ee ah “Soo dhaweynta Subaxdii.”
-
Waxa laga Doonayo Ardayda Dhigato Fasallada 6-8
Laylisyada/Waxqabadyada/Casharrada
Casharradu maalin kasta ardayga waa u diyaar waqtigii uu iskoolku billaabanayay 7:30 a.m., 8:30 a.m. ama 9:30 a.m.
- Macallimiintu waxay maalin kasta casharka soo gelinayaan Schoology
- Ardayda waxay qaadanayaan 2-3 xiisadood maalinkii
Caadi ahaan waxbarashada online-ka maalinlaha ah ardayda dugsiyada dhexe ee SPPS waxay qaadan karaan inta u dhaxaysa 3-4 saacadood isku gaynta guud. Saacadaha ay caadi ahaan ardayda dugsiga dhexe ku jiri doonaan online maalinta ay iskoolka dhiganayaan waa waa 2-3 sacadood isku gaynta guud.
Isxaadirinta/Joogitaanka:
Isxaadirinta waxaa la qaadayaa maalin kasta marka ardaygu ka soo jawaabo farriinta (Daily Connect Class) uu macallinka fasalka ugu soo diro Schoology.
-
Waxa laga Doonayo Ardayda Dhigato Fasallada 9-12
Laylisyada/Waxqabadyada/Casharrada
Laylisyada ama shaqada guri waxay diyaar noqon maalin walba marka uu iskoolku billawdo (7:30 a.m., 8:30 a.m. ama 9:30 a.m.)
- Macallimiintu waxay Schoology ku soo daabici doonaan laylisyo/hawlo maalinle ah Schoology
- Ardaydu waxay qaadan doonaan 3 ilaa 4 fasal maalinkiiba
Ardayda dhigata fasallada dugsiga sare ee qeyb ka ah barnaamijka waxbarashada online-ka ee SPPS waxay waxbaran saacado u dhexeeyo 4 ilaa 4.5 maalmaha caadiga ah. Saacadaha ardayda dugsiga sare ay ku jiri doonaan online maalinta ay iskoolka dhiganayaan waa 3 ilaa 4 saacadood.
Xaadir noqoshada:
Isxaadirinta waxaa la qaadayaa maalin kasta marka ardaygu ka soo jawaabo farriinta (Daily Connect Class) uu macallinka fasalka ugu soo diro Schoology.
-
Special Education
Students with Individual Education Plans (IEP) or Individual Family Service Plan (IFSP) and 504 Plans
SPPS will ensure that, to the greatest extent possible, each student with a disability will be provided the special education and related services identified in the student’s IEP or IFSP developed under Individuals with Disabilities Education Act (IDEA), or a plan developed under Section 504. (34 CFR §§ 300.101 and 300.201 (IDEA), and 34 CFR § 104.33 (Section 504)).
In a Distance Learning environment, special education services and 504 supports may include a combination of options below:
- Co-teaching and designing assignments with general education teachers
- Adapting and/or modifying general education assignments to meet student needs
- Providing adaptive online assignments
- Scheduling time to connect via a telecommunication system with students about assignments
- Providing direct instructional and therapeutic service to students via a telecommunication system
- Developing choice boards for students to work on goals
- Providing regular email communications to families to support student special educational needs.
- Special Ed. IEP Team or 504 meetings with families will be done virtually. Trained interpreters will be available to support communication with families.
Special Education Supervisors and Coaches will be supporting special education staff when designing and supporting Distance Learning plans for students in special education.
For more information, visit the Office of Specialized Services website.
-
Waa maxay waxbarashada online-ka ee kala saacadaha wax la baran karo?
Waxbarashada online-ka ee ardaygu uu xilliga uu doono duruusta akhrisanayo macnaheedu waxay tahay waa marka macallin iyo arday ay ka wada hadlaan waxqabayada waxbarashada iyaga oo kala jooga meelo kala duwan iyo waqtiyo kala duwan. Ardayda ku qoran maaddooyinka waxbarashada online-ka ee noocan ah waxa loo ogol yahay inay hawlahooda dhammaystiraan waqti kasta maalintii oo ardayga iyo qoyskiisa u suurto galka ah.
-
Waa maxay waxbarashada online-ka ee isku wakhtiga wax la wada baranayo (synchronous)?
Waxbarashada online-ka ee synchronous waa mid ardaygu uu duruusta isku wakhti la qaadanayo macallinka iyo ardayda iyagoo kala joogo meelo kala duwan. Ardayda ku qoran koorsooyinka isku wakhtiga la wada qaadanayo online ahaan waxaa qasab ku ah inay xilli go’an soo galaan online-ka iyagoo isticmaalayo kombiyuutarkooda
-
Isxaadirinta
Isxaadirinta awgeed, SPPS waxay dhammaan ardayda uga baahan doontaa inay macallinka kala shaqeeyaan iyaga oo maalinkaas ka soo jawaabayo farriimaha subaxii la soo geliyo. Farriimaha subaxii waxaa ardayda loo soo gelin doonaa Seesaw (K-2) ama Schoology (3-12). Macallimiintu waxa kale oo ay maalin kasta casharada soo gelin doonaan Seesaw ama Schoology billawga maalinka iskoolka jiro.
-
Aaladaha loo Adeegsanayo Waxbarashada Online-ka
Waxbarashada online-ka ee SPPS waxay ku tiirsan tahay ardaydu oo adeegsata iPad-yada kana qayb qaataan waxbarashada online ee ka socoto Seesaw ama Schoology.
Si ardayda loo hawl galiyo, waxa laga yaabaa inay macallimiintu isticmaalaan tiknoolajiyada kale ee guddoonka waxbarashada degmadu-ansaxisay sida email, isticmaalka koorsooyinka khadka ku baxa (online courses), sameynta dood-wadaagga (group chats) iyo madasha kulanka (forums), iyo adeegsiga/wadaagga maqal iyo muuqaalka (videos iyo audio recordings).
-
Ardayga oo la shaqeynayo Macallimiinta
Maalintii oo dhan saacado kala duwan waxay ardaydu fursad u heli doonaan inay la shaqeeyaan macallimiintooda, ka qayb qaataan dood-wadaagga, daawadaan ama fiirsadaan casharada ka baxaya shabakada ama maqal iyo muuqaalba kula kulmaan macaallimiintooda iyo ardayda ay isku fasalka yihiin.
Fursadaha wada shaqaynta ardayga-macallinka waxay dhacaysaa inta lagu jiro xilliga caadiga ah ee iskoolka, waxaana qoysaska la soo xiriiri doona macallinka ilmahooda. Macallimiintu waxay qoysaska u sheegi doonnaan xilliga ay ku eg tahay dhammeystirka casharka maalinlaha ah.
-
Buundo-siinta (grading) iyo Waxa Ardayga laga Filayo Iskoolka
Iskool kastaa wuxuu waxbarashada online-ka u dejinayaa nidaam buundo siin ah, waxayna ardayga u sameynayaan jadwal taxan uu raaco kaas oo dhammaan macallimiinta iskoolku isticmaalayaan. Haddii aan horey loogu soo sheegin, ardayda, qoysaska iyo shaqaalaha waxaa maalmaha soo socda loo soo sheegi doonaa waajibaadka ardayda laga filayo ee waxbarashada online-ka toddobaadka koowaad iyo wixii ka danbeeyaba
Hoos waxaa ku qoran waxyaabaha laga rabo ardayda. Faahfaahin dheeraad waxaa qoysaska la wadaagi doono maamulaha iyo macallimiinta caruurtooda.