-
Haddii aad wax su'aalo ah ka qabtid Distance Learning kuwaasoo aadan jawaabtooda ka heli karin bogga spps.org, fadlan wac iskoolka ilmahaaga, ama farriin lambarkaan 651-767-8347 ugu dhaaf xafiiska qoysaska ee Office of Family Engagement ama u qor email: family.engagement@spps.org. Sida ugu dhakhsaha badan ayaynu kuugu soo jawaabaynaa.
Saint Paul Public Schools waxay ka faa'iideysan doontaa qaab-dhismeedkeeda tiknooliyadeed ee Personalized Learning Through Technology si ay u caawiso waxbarashada ah Distance Learning ee fasallada Pre-K ilaa 12. Dhammaan ardayda degmada SPPS ee Pre-K ilaa 12 waxaa la wada siiyay Pads qeyb ka ah waxbarashadeenna caadiga ah.
Markii la soo billaabay Distance Learning gu'gii tegay, waxay taasi aheyd waxbarasho si deg deg ah loo dejiyay si loo xakameeyo faafidda COVID-19 ee Minnesota. Wixii intaa ka dambeeyay, degmada SPPS waxay la tashatay kooxo saammi ku leh talada. Talada kooxahaas ayaynu dhageysannay, oo waxaynu sannad-dugsiyeedkan 2020-21 billaabaynaa waxbarashada Distance Learning 2.0 taas oo la sii hagaajiyay qaab ahaan.
Waynu ognahay macallimiinteenna waxaa ka go'an inay ardayda iyo qoysaskaba siiyaan waxa ay filanayaan oo ah waxbarasho tayo sare leh. Deyrtan, ardayda waxay arki doonaan qaab cusub oo la isugu dubarido duruusta, qaabkaas oo sahlayo sida loo isticmaalo oo la isaga kala gudbo Schoology iyo Seesaw. Waxaa jiri doono waxbarasho "isku wakhti" la wada qaadan doono, buundo-bixinta la iska doonayana waxaa la sharrixi doonaa billawga fasalka.
Waxbarashada barnaamijkan Distance Learning 2.0 waxaa ka mid ah qeyb maalin walba isku wakhti (synchronous) la siinayo ardayda dhammaantood. Annagoo isticmaalayno tiknoolajiyadda aynu diyaarinnay, waxaa sidoo kale jiri doono isla mucaamal dhex mari doono ardayda maalin walba.
Ku soo dhowaada sannad-dugsiyeedka 2020 ee Saint Paul Public Schools. Isticmaal liiskan tiknoolaji oo ay ku qoran yihiin waxyaalaha la iska rabo si loo hubiyo inaad diyaar u tahay maalinka koowaad ee iskoolka la furo.
Maktabadda SPPS ee Khadka Intarnetka
Booqo Maktabadda Khadka Intarnetka ee Saint Paul Public Schools (Virtual Library) si aad u heshid buugaag kala duwan iyo suugaan, agab, waxyaalo kaa caawiyo cilmi-baarista, akhriska, iyo dhisidda xirfadaha.
-
Hordhaca Barnaamijka Distance Learning 2.0
Barnaamijka Waxbarashada Durugsan ee Distance Learning 2.0 wuxuu u dhaxeyn doonaa labo qaab oo kala ah Asynchronous (kala wakhti) iyo Synchronous (isku wakhti):
- Waxbarashada Durugsan ee asynchronous (kala wakhti) waa mid ardayga iyo macallinku ay duruusta ka wada shaqeynayaan wakhti kala duwan. Ardayda ku qoran maaddooyinkan ka tirsan barnaamijka distance learning 2.0 ee kala wakhtiga la qabanayo waxaa loo oggol yahay inay dhammeeyaan hawlahooda wakhtiga u shaqeynayo maalintaas ardayaa iyo qoyskoodaba. Wakhtiyo kala duwan maalinkii waxay ardaydu fursad u helayaan inay macallinkooda wax weyddiiyaan, ka qeyb galaan kooxo wada hadlayso, inay arkaan duruus ku jirto intarnetka, iyo inay kulan fiidiyo ah la yeeshaan macallimiintooda iyo ardayda ay isku fasalka yihiin.
- Waxbarashada Durugsan ee synchronous (isku wakhti) waa mid ardaygu uu duruusta isku wakhti la qaadanayo macallinka iyo ardayda iyagoo kala joogo meelo kala duwan. Ardayda ku qoran koorsooyinka isku wakhtiga la wada qaadanayo online ahaan waxaa qasab ku ah inay soo galaan online-ka markuu macallinku u qabanayo kulan jadwalka ku jiro.
Barnaamijka SPPS Distance Learning 2.0 wuxuu ku tiirsan yahay inay ardaydu isticmaasho aaladda iPad-ka iyo inay ka qeyb qaataan waxbarashada lagu qaadanayo online-ka iyadoo la adeegsanayo app-ka Seesaw iyo Schoology. Macallimiintu waxay isticmaalayaan qaab ay degmadu oggoshay oo ay ardayda wax ku bari doonaan email ahaan iyagoo isticmaalayo maaddooyinka online ah isla maraana abuurayo koox arday ah oo meel fagaare online ah ku wada hadli karo halka ay macallimiintuna soo dirayaan fiidiyow iyo cod duuban.
Iskoolladu waxay diyaarin doonaan kooxo ka warqabi doono barnaamijka Distant Learning 2.0 oo xaqiijin doono in dhammaan ardaydu ay helaan duruus fiican isla markaana ay ku guuleystaan heerkii laga rabay fasalkooda.
Kulamo is daba jooga ayaa loo qaban doonaa ardayga iyo macallinka saacadaha iskoolka la joogo, waxaana qoysaska u sheegi doono macallinka ilmahood. Macallimiintu waxay leyslisyada maalinlaha ah u qaban doonaan wakhti kama dambeys ah oo laga shaqeynayo.
Macallimiintu waxay maanka ku hayn doonaan in ardayga dhigto barnaamijka Waxbarashada Durugsan in uusan guriga ku heli karin wixii uu fasalka ku dhex heli jiray maadaama waxbarashadu noqotay mid online ah. Laylisyada oo si fiican looga shaqeeyo kuma xirnaan doonaan hawlo ama waxyaabo qaas ah oo iskoolka laga heli jiray (sida qalabka wax lagu daabaco ee birintarka). Qaabab kale oo ay wax u sameyn karaan iyo meelo ay wax ka heli karaan ayaa ardayda loo sheegi doonaa wixii ka suurto-gal ah.
-
Caawinaadda Tiknoolajiyadda
Markay shaqaalaha Meesha ay shaqaalaha SPPS ama ardayda uga baahdaan WiFi, waxay isticmaali karaan Comcast Essentials oo qaasatan loogu talo galay COVID-19 kaasoo ah bilaash ilaa December 2020. Tiro dhowr ah oo aalado internet leh (hotspot) ayaa la hayaa kuwaasoo ay ardayda iyo shaqaalaha soo qaadan karaan ama loo keeni karaa.
Wixii ah caawinaad la xiriirto tiknoolajiyadda iPad-ka, xargaha korontada, galka iPad-ka, iyo goobaha internetka oo WiFi laga helo waxaa masuul ka ah xafiiska District Service Center, 1930 Como Avenue. Xafiiska Service Center wuxuu qabtaa adeegyo adigoo ka soo wacayo taleefanka, codsi ka soo dirayo online, ama kula kulmayo meel ah waddada geeskeeda si laguugu sameeyo iPad-ka ama hadduu hallaabay lagaa ga beddelo.
Haddii uu iPad-kaagu hallaabay ama u baahan yahay in la beddelo fadlan arrintaas u soo sheeg ama soo wac xafiiska tiknoolajiyadda ee Saint Paul Public Schools Technology Services:
- Email:familysupport@spps.org
- Wac:651-603-4348 from 7 a.m. – 8 p.m.. Fadlan dhaaf farriin faahfaahsan, waana laga soo jawaabayaa farriintaada sida ugu dhakhsada badan.
LIFAAQ: Hel Caawinaad Tiknoolaji, oo booqo spps.org/iPadHelp
-
Caawinaad ah Dhanka Xiriirka iyo Luuqadda
Degmada SPPS waxay u heellan tahay inay xiriir joogto ah la yeelato qoysaska iyo jaalliyadda. Bogga Degmada ee Koroonafayraska, spps.org/covid, waa xarunta xogaha lagu soo daabaco. Degmadu waxay kale oo ay war cusub ku dirtaa qaab ah email, farriimo, iyo taleefan markii loo baahdo.
● Waalidka walaac ka qabo fayraska ha la xiriiraan khadka su’aalaha ee Wasaaradda Caafimaadka Minnesota (Minnesota Department of Health hotline) oo ah 651-201-3920.
Tilmaamaha Degmada ee ah in la sameeyo xiriirro ku baxo luuqadaha Ingiriiska, Isbaanishka, Moongaha, Kareenka, iyo af-Soomaaligaba waa loo diyaarshay barnaamijka Waxbarashada Durugsan (Distance Learning). Qoysaska u baahan qof u tarjumo farriimaha quseeyo iskoolka ha wacaan iskoolka cunuggooda ama lambarkan 651-767-8347 oo ah xafiiska qoysaska ee Office of Family Engagement and Community Partnerships.
-
Taageerada Qoyska ee Waxbarashada Durugsan (Distance Learning)
Farriimaha iyo Tarjumaadda
Degmada SPPS waxaa ka go’an xiriirro joogto ah oo lala sameeyo qoysaska iyo jaalliyadda. Bogga dib u furidda iskoollada ee deyrtan, spps.org/reopen2020, waxaa ku jiro xog ku saabsan qorshayaasha dib u furidda. Bogga degmada oo ah spps.org waa udub-dhexaadka xogaha oo dhan. Degmada SPPS waxay email ahaan, fariin ahaan, iyo wicid ahaanba ku soo diri doontaa wixii cusub markii loo baahdo.Iska Caawinta Waxbarashada Durugsan iyo Adeegyada Luuqadda
Haddii qoysasku u baahdaan caawin luuqad walba ah, meesha ugu horreyso ee ay qoysasku wacayaan waa iskoolka ilmahooda. Iskoollada waxaa joogo shaqaale ku hadko afaf kale. Haddii uusan iskoolkaagu laheyn shaqaale kale oo afaf kale ku hado, qof shaqaale ah ayaa kugu xiri doono khadka luuqadaha si laguu caawiyo.Khadka Waalidka laga Caawiyo (Parent Help Line)
Haddii qoysasku doonayaan caawin ah Waxbarashda Durugsan (Distance Learning), waxay lambarka 651-767-8347 ka wici karaan ee xafiiska qoysaska (Office of Family Engagement) ama farriin ugu dir hakan family.engagement@spps.org. Haddii uu khadka taleefanku mashquul yahay oo aad ka dibna farriin dhaaftid, shaqaalaha waxay ku dedaalayaan inay kuu soo jawaabaan isla maalin gudaheeda.Caawinta Tiknoolajiyadda iyo Helidda Macluumaadka muhiim u ah Waalidka si loo Garab Istaago Waxbarashada Durugsan ee Distance Learning
- Boggan ah Waxyaalaha laga Rabo Ardayga iyo Qoyska wuxuu kuu sheegayaa sida loo helo iPads iyo sida loo diyaariyo.
- Qoysaska iyo ardayda doonayo caawinaad tiknoolaji ha wacaan 651-603-4348, ama farriin ha u diraan familysupport@spps.orgama ha booqdaan org/ipadhelp.
- Bogga SPPS Distance Learningwaxaa ku jiro lifaaqyo fiidiyo ah iyo kuwo qoran si loo taageero qoysaska si ay wax uga bartaan aaladaheenna la isticmaalayo, una caawiyaan caruurtooda ku jirto barnaamijka waxbarashada durugsan. Warbixintan waxaa lagu diyaariyay shan luuqadood, waxaa la isticmaalaa markii qoysaska la siinayo tababaro ka dhaco iskoollada iyo xafiisyada degmada.
-
Ciyaaraha Isboortiska, Munaasabadaha Muusikada, iyo Hawlaha la Midka ah
Waxay ciyaaraha lagu qabanayo SPPS raaci doonaan talooyinka ururka dugsiyada sare Minnesota State High School League (MSHSL). Degmada SPPS waxay caafimaadka iyo ammaanka ciyaartooydeenna iyo shaqaalaheenna uga taxaddartaa si dhab ah. Degmada SPPS waxay dejisay qorshe diyaar-garow oo deyrta ay kooxaha oo dhan wada raaci doonaan. Wixii xog dheeraad ah, fadlan booqo spps.org/athletics ama la xiriir iskoolkaaga.
-
Cuntada
Degmada SPPS waxay sii wadi doontaa inay bixiso cunto baakadaysan ee bilaashka ah inta ay ardayda SPPS ku jiraan barnaamijka waxbarashada durugsan (distance learning). Cuntada baakadeysan waxaa la keenayaa guryaha iyo goobo cayiman oo laga qaadan karo.
Wixii xog dheeraad ah, booqo spps.org/fallmeals, oo xasuusnon inaad buuxisid arjiga cuntada iskoolka: Application for Educational Benefits.
-
Barnaamijyada Caruur Haynta ee Essential Kids Care & Discovery Club
Waaxda Community Education ee SPPS waxay qoysaska u sameyn doontaa labo nooc oo daryeelka caruurta ah inta ay waxbarashada degmadu ku baxeyso online ahaan deyrtan. Labada barnaamijba waa u furan yihiin ardayda gaartay da’da iskoolka ee aaddo dugsiga dhexe. Isdiiwaan-gelinta labada barnaamij waxay furmayaan Isniinta, August 10.
- Qeybta Essential Kids Care waxay ka hawl-geli doontaa saddex xarumood oo lagu hayo caruurta shaqaalaha qabto hawlaha aasaasiga ah (Tier 1). Daryeelku waa bilaash inta lagu jiro saacadaha waxbarashada ee iskoolka, basas ardayda qaaddana waa la helayaa. Wixii xog dheeraad ah:org/ekidscare
- Discovery Club waxay deyrtan isticmaalaysaa afar xarun oo lagu haynayo ardayda PreK-5th. Barnaamijkan oo lacagta ah kuma jiro gaadiid. Wixii xog dheeraad ah: spps.org/discoveryclub
-
Barnaamijyada Jaalliyadda ee Community Education Programs
Barnaamijyada waaxda Saint Paul Public Schools Community Education waxaa la sii wadi doonaa iyagoo online ah oo mararka qaar shakhsi ah dadku u kulmayaan.
Waxaa barnaamijyadan ka mid ah: Youth & Adult Enrichment, Early Childhood Family Education, Adult Basic Education, Adults with Special Needs, Como Planetarium iyo Flipside.
Wixii xog ee quseeyo barnaamijyada Community Education, booqo spps.org/COMMED.
-
Taxaddarka Caafimaad iyo COVID-19
SPPS waxay ku dedaalaysaa bey’ad ammaan iyo caafimaad u ah ardayda, qoysaska, iyo shaqaalaha oo dhan. Xilligan dhammaan ardayda waxay ku jiraan waxbarashada durugsan, badi shaqaalaha SPPS guriga iyaga oo jooga ayay shaqeynayaan.
Shaqaalaha qabanayo adeegyada cuntada iyo caruurhaynta waxay raacayaan talooyinka wasaaradda caafimaadka ee Minnesota Department of Health, waxaana ka mid ah:
- In la baaro kuleylka jirka shaqaalaha iyo ka qeyb-galayaasha imaanayo dhismayaasha SPPS
- In caruurhaynta lagu koobo 14 arday kuwaasoo loo dhiibayo hal qof ee shaqaale ah
- Afka oo gafuur-xir lagu xirto gudaha dhismayaasha markii aan la kala fogaan karin 6 tallaabo
- in ilaa 6 tallaabo la isku jirsado intii macquul ah
- Faraha oo goor walba la dhaqo iyo in la nadiifiyo oogada meelaha la taabto
Fadlan eeg Talooyinka COVID-19 ee Ardayda iyo Qoysaska. Haddii aad isaga baqeysid COVID, sidoo kalena aad tagtay dhisme ay degmada SPPS leedahay, waa inaad soo sheegtid adigoo isticmaalayo qaabka warbixinta oo online ah: COVID-19 Reporting System.