-
Wixii iPad ee Hallaabay ama la Beddelayo:
Haddii uu hallaabay iPad-kaaga ama in la beddelo ay tahay fadlan arrinkaas u soo sheeg oo email u dir ama wac Saint Paul Public Schools Technology Services:
- Qor Email: familysupport@spps.org
- Ka wac: 651-603-4348 saacadaha 7 a.m. ilaa 8 p.m.. Fadlan farriin inoo reeb faahfaahsan, waxaana taleefanka lagaaga soo jawaabayaa sida ugu dhaqso badan.
Hadii aad dhib ku qabtid iPad-kaaga, waxaad kaloo la xiriiri kartaa macallinka ardaygaaga ama iskoolkaaga oo magacooda halkan ka baar School Directory.
Markii aad warbixin soo gudbisid, waxaa kula soo xiriiri doono shaqaalaha tiknoolajiga degmada SPPS oo kula eegayo wixii la beddeli karo si ay kuugu sii socoto waxbarashada durugsan (distance learning) ee Saint Paul.
Haddii aad dhib ku qabtid inaad geshid Seesaw, Schoology ama App ay degmada SPPS fasaxday isticmaalkiisa, fadlan akhri xogta hoose ee xafiiska Technology Support:
Qeybtan waxaa ku socoto diyaarin oo markii loo baahdo ayaa la cusbooneysiin. Mar kale u soo noqo wixii soo kordha iyo xog dheeraadba ah.
Qaababka Loo Xalliyo Dhibka iPad-Ka
-
Talo # 1: Demi oo misana daar iPad-ka
- Riix oo farta ku haay batoonka kore ee laga daaro iPad-ka illaa ay ereyada “power off” dhalada ka soo muuqdaan.
- Ereyadaas u kaxee ilaa geeska, ka dibna sug ilaa 30 ilbiriqsi inuu ka demo iPad-kaaga.
- Si aad mar kale u daartid iPad-kaaga, riix oo farta ku haay batoonka kore ilaa aad aragtid sawirka/loogada Apple.
- Riix oo farta ku haay batoonka kore ee laga daaro iPad-ka illaa ay ereyada “power off” dhalada ka soo muuqdaan.
-
Talo # 2: Dib ugu soo shub App ku jiro qeybta Self Service
App-ka ku jiro iPad-kaaga wuxuu u baahnaan karaa in la cusbooneysiiyo.
Si aad u cusbooneysiisid App, marka hore ka saar/tir iPad-ka, ka dibna dib ugu soo shub iPad-ka adigoo kala soo baxayo keydka la dhaho Self Service App Store.
-
Tip # 3: Update the iPad iOS Version
Inaad cusbooneysiisid iPad-ka wuxuu xal u noqon karaa dhibaato badan oo aaladdan ku dhacdo. Ka hor intaadan cusbooneysiin iPad-kaaga, waa inaad iPad-ka gelisaa fiilada korontada ee dabka siiso. Halkan ka akhirso qaabka loo cusbooneysiiyo iPad-ka (Instructions to update your iPad).
-
Talo # 4: Tirtir waxa uu keydiyay Safari
Inaad tirtirtid waxa uu keydiyay Safari waxay hagaajin bogga intarnetka ama wixii xog ahee si khaldan ugu keydsamay ayay meesha ka saari.
Sida loo tirtiro waxa ku keydsamay Safari oo ku jiro iPad-ka
- Fur meesha laga maamulo ee la dhaho “Settings”
- Hoos aad, oo taabo Safari
- Mar kale hoos aad, oo taabo “Clear History” iyo “Website Data”, taabo mar kale si aad u oggolaatid tirtirista
Xog dheeraad ah oo quseysa sida loo tirtiro wixii ku keydsamay bogga intarnetka halkan ka akhri.
-
Talo # 5: La hadal macallinka!
Macallinkaaga waxaa laga yaabaa inuu xalka kula raadiyo taasoo ku xiran nooca App iyo hawsha la qabanayo.
Goor kastaba waxaa xogtan hoose loo diyaarshay qoysaska u baahan.
- Email: familysupport@spps.org
Wac: 651-603-4348 saacadaha 7 a.m. – 8 p.m.. Fadlan reeb farriin faahfaahsan, waana lagugu soo celin taleefanka sida ugu dhaqsaha badan.
Isa Caawinta Tiknoolajiyadda
-
WiFi Access (Helitaanka WiFi)
Waxaa WiFi la siin qoysaska aan haysan WiFi iyadoo lagu caawinayo inay qaataan aaladda hotspot oo aynu bixinno iyo inay WiFi ka helaan kuwa nala shaqeeyo sida Comcast.
La xiriir macallinka ardaygaaga haddii aad u baahan tahay inaad heshid WiFi.
Shaqaalaha waxay soo diri karaan codsi ay soo marinayaan intarnetka si looga caawiyo helidda WiFi.
-
iPad-kayga wuu Hallaabay, Xirmay, ama si fiican uma Shaqeynayo
- Email u dir: familysupport@spps.org
- Wac: 651-603-4348 saacadaha 7am ilaa 8pm, waa laga soo jawaabi taleefannada
Waxaa kula soo xiriiri doono shaqaalaha tiknoolajiga degmada SPPS oo kula eegayo wixii la beddeli karo si ay kuugu sii socoto waxbarashada durugsan (distance learning) ee Saint Paul.
-
Waxaan Su’aal ka qabaa Isticmaalka App ku jiro iPad-ka ama Adeegyo kale
Fadlan la xiriir iskoolkaaga. Iskool walba wuxuu leeyahay shaqaale u xilsaaran iPadka kaasoo loo tababaray tiknoolajiyadda waxbarashada iyo aaladaha intarnetka. Shaqaalaha iskoolka haddii aysan awoodin inay xalliyaan cilladda iPad-ka waxay codsi caawin ah u diri karaan waaxda tiknoolajiyadda (Technology Service).
-
Ma aqaan sida loo galo iPad-ka ama waxaan Hilmaamay Lambarkii Ardaygu ku galayay
Dhammaan ardayda SPPS waxay leeyihiin magac ay ku galaan iPad-ka (username), ereyada sirta ah ee lagu galo (password), iyo email-ka Google Apps. Ardaydu waxay xogtan u isticmaalaan inay si aamin ah u galaan meelo badan oo wax laga barto. Qoysasku waxay geli karaan bogga waalidka (Parent Portal) si ay u eegaan xogta akoontiga ardaygooda. Sida lagu galo bogga waalidka (Parent Portal) halkan ka eeg.
Caawinaad dheeraad ah:
- Email u soo dir: onestop@spps.org
- Phone: 651-744-5145
-
Caawinaadda Schoology
-
Schoology waa nidaam waxbarasho oo intarnet ahaan loo maamulo kaasoo kaa caawinayo inaad ka warqabtid fasallada ardaygaaga, duruustooda, iyo buundada ay helaan. Waxaad Schoology u isticmaali kartaa:
- Inaad aragtid maaddooyinka ardaygaaga iyo kooxaha uu la shaqeynayo
- inaad aragtid layslisyada soo socdo ee ardaygaaga, laylisyada uu hadda qaatay, iyo kuwii uu horay u qaatay balse uusan ka shaqeynin
- Kor kala soco ogeysiisyada iskoolka iyo fasalkaba
- Ku lug lahow waxbarashada ardaygaaga
- Tilmaamaha Waalidka ee Isticmaalka Schoology
- Sida lagu galo Schoology (Login)
- Sida loo soo diro laylis/dersi
- Diyaarso Ogeysiisyada (Notification) Schoology
-
-
Caawinta Seasaw
Ardayda dhigato fasallada K ilaa 2 waxay isticmaalayaan app la yiraahdo Seesaw oo ku jiro iPad-ka
- Ardayda qaarkood waxaa iPad-kooda horey loogu sii shubay app-ka Seesaw.
- Haddii uusan Seesaw kuugu diyaarsaneyn iPad-ka, macallinka cunuggaaga wuxuu kuu soo dirayaa lambarka lagu furto Seesaw farriin ahaan ama email ahaan.
- Ardayda dhigato fasallada K ilaa 2 waa inay furaan Seesaw si ay u arkaan farriin soo dhaweyn ah oo uu soo diray macallinkooda.
Waalidkow: Haddii aadan aqoon lambarka uu ardaygaagu ku gelayo waxbarashada guriga:
- La xiriir macallinka ardaygaaga adigoo booqanayo bogga intarnetka ee iskoolkaga. https://www.spps.org/Page/14791
- Macallinku wuxuu lambarka lagu galo waxbarashada guriga (home learning code) kuugu soo diri karaa email ahaan, taleefan ahaan, farriin ahaan, ama campus messenger.
- Haddii aadan la xiriiri karin macallinkaaga, fadlan wac iskoolkaaga si laguu caawiyo. Halkan waa liiska iskoollada (School Directory).
Qoysaska: Fadlan Seesaw u diyaari caruurta guriga joogto
- Cunuggaaga iyo macallinka waxay isla wadaagayaan duruusta iyo laylisyada iyagoo isticmaalayo app-ka la dhaho Seesaw ee ku jiro iPad-ka.
- Fadlan ka caawi inuu cunuggaagu diyaarsado app-ka Seesaw.
- Macallinka cunuggaaga wuxuu kuu soo dirayaa lambarka lagu furto Seesaw farriin ahaan ama email ahaan.
- Lambarka lagu furto app-ka Seesaw-ga waa 12 lambar, sidan oo kale: AAAA AAAA AAAA
- Waxaa macquul ah in macallinku ku siiyo lambarka warqadda ku qoran ee la dhaho QR code
Si af-Ingiriis laguugu caawiyo, fadlan wac iskoolka cunuggaaga. Caawinaad dheeri ah hoos ka fiiri:
- Hmong 651-744-4651
- Karen 651-744-6282
- Somali 651-744-8299
- Spanish 651-744-2769
Wixii xog dheeraad ah ee quseeyo Seesaw, fadlan booqo boggeenna Seesaw Support page.
-
Waxaan su’aal ka qabaa Maktabadda iyo macluumaadka yaallo (eBooks, buugaagta la dhageysto, databases)
Gal caawinaadda intarnetka adigoo la hadlayo shaqaalaha maktabadda (Librarian chat) Isniin ilaa Jimce, saacadaha 8 am ilaa 5 pm adigoo booqanayo bogga spps.org/virtuallibrary oo ka dibna taabanayo batoonka ay ku qoran tahay "Help" oo ah I caawi. Xogta maktabad walba waxa yaallo iyo baaridda su’aalaha soo noqnoqdo waxay qoysaska iyo ardayda caawin kartaa xilliyada habeenka iyo maalmaha Sabtida iyo Axadda.
-
Campus Onestop (oo ah goob waalidka loo diyaarshay)
Bogga intarnetka ee One Stop wuxuu ardayda iyo waalidkaba siinayaa lifaaqyo muhiim ah oo kuu gudbinayo meelo ah intarnetka Saint Paul Public Schools. Waalidku waxay One Stop u isticmaali karaan magacooda qaaska ah iyo ereyada sirta ah (gXXXXXX) si ay u galaan waxyaalaha ku jiro intarnetka degmada sida: (1) Campus Parent iyo (2) Schoology. Dhammaan waalid walba ee hadda caruur u dhigato degmada SPPS waxaa One Stop looga sameeyay akoontiyo. Magacyada qaaska ah iyo ereyada sirta ah ee lagu galo One Stop waxaad kula soo bixi kartaa adigoo isticmaalo boggan One Stop oo la soo baxayo magaca lagu galo iyo ereyada sirta kuu ah ama inaad wacdid xafiiska iskoolkaaga (School Directory).
-
Clever Single Sign on (Hal Mar oo aad Clever ka wada Geshid)
Clever waa aalad isku soo ururiso meelaha kala tagtagsan ee laga galo akoontiyada waxbarasho iyo macluumaadka. Clever waxaa isticmaali karo dhammaan shaqaalaha duruusta dhigto sannadka 2019 – 2020. Clever waxaa lagu soo shubay iPad-ka ardayda iyo midka shaqaalahaba. Si aad wax uga akhrisid Clever, halkan guji.
-
Sida loo diyaarsho Xannibaadda iyo Saacadaha iPad-ka la isticmaali karo
Qoysaska SPPS: Saacadaha aad isticmaali karid iPad-ka (Screen Time) waxay kuu sheegayaan imisa saacadood ayaad adiga iyo caruurtaadaba ku bixiseen app-ka, intarnetka, iyo meelo kaleba. Sidan waxay kaa caawin inaad gaartid go’aamo maangal ah oo quseeyo isticmaalka iPad-ka iyo sida loo xakameeyo saacadahaas haddii aad rabtid. Sii akhri oo baro sida loo daaro Screen Time, sida loo fiiriyo saacadaha la isticmaalayay iPad-ka, iyo sida loo xakameeyo saacadaha lagu bixinayo iPad-ka, iyo sida loo maareeyo iPad-ka cunuggaaga. Qoysas badan waxay xushaan “bedtime” oo ay saacad u qabtaan iPad-ka, ama waxay xannibaan website-yo qaas ah.
-
Sida Self Service looga soo Degsado App
Taabo App-ka ku jiro Self Service
Si aad u soo degsatid App:
- Taabo saddexda dhibic ee ka muuqdo kor bidixda si aad u aragtid noocyada app ee meesha ku jiro
- Ama taabo “Search” oo ah qeybta hoose si aad ugu qortid magaca app ee aad raadineysid.
- Dhammaan wixii app ahee ku jiro Self Service waa BILAAS in lala soo dego.
- Lagaama doonayo lambarka Apple ID iyo ereyada sirta ah inaad ku geshid Self Service.
- Dhammaan isha ayaad marin kartaa wixii app ah adigoo iska hubinayo ammaankooda.
Si laguugu daro keydka Self Service App Store, waa Apps iyo Websites ay:
- U hoggaansamaan xeerarka dowladda gobolka iyo tan federaalka ee quseeyo qarinta xogaha shaqsiga goonida u ah.
- Bixiyaan hadal ka warramayo xogaha shaqsiga goonid
a u ah.
- Waa inuu noqdaa mid bilaash ah, ee uusan noqon mid la isku dayayo keliya
- Waa inuu xusaa wixii la iska doonayo ee quseeyo isticmaalkiisa
- Waa inuu waafaqsan yahay heerka tacliinta, muqarrarka SPPS, iyo qaabkeeda waxbarasho
- Lama oggola in nuqul kale oo shaqo la sameeyo kaasoo laga helo aalado kale.
Si aad u akhrisid xeerka Saint Paul Public Schools ee wax la wadaagista qolo kale, guji halkan.