Caawinta Qoysaska ee Waxbarashada Durugsan (Distance Learning)
-
Waxbarashada durugsan waxay u baahan tahay wadashaqeynta ardayda, macallimiinta, shaqaalaha, iyo qoysaskaba si waxbaristu u noqoto mid micno sameysa oo waafaqsan xeerarka waxbarashada Minnesota (Minnesota statutes). Qoysaska waxaa laga doonayaa inay Degmada SPPS ka caawiyaan:
Maqnaanshaha iyo Jirrada/Xanuunka
- Haddii uu cunuggaagu jirran yahay oo uusan sameyn karinna hawlaha Waxbarashada Durugsan (Distance Learning), waalidka/masuulka guriga waa inuu soo wacaa iskoolka oo soo sheego in cunuggiisu maalinkaas ka maqan yahay waxbarashada durugsan.
Isku diyaarin in Iskoolladu sii xirnaadaan Xilli dheer
- Waxaan diyaar u ahay inaan ilmahayga ku caawiyo in ay email u diraan macallinkooda haddii ay jiraan su’aalo quseeyo duruustooda.
- Waxaan Schoology / Seesaw ku leeyahay qeyb aan galo waalid ahaan (akoonti) si aan ula socdo maaddooyinka ilmahaygu qaataan.
Inta lagu jiro Xilliga la dheereeyay ee ay Iskoolladu xiran yihiin
- Waxaan isha marin waxyaalaha la iska doonayo ee uu i siiyay macallinka Waxbarashada Durugsan (Distance Learning Checklist) ee Secondary / Elementary.
- Waxaan ilmahayga ka caawin duruusta Waxbarashada Durugsan haddii ay u baahdaan caawin.
- Waxaan ilmahayga xasuusin inay sameeyaan dhammaan duruusta iyo laylisyada Waxbarashada Durugsan.
- Waxaan ilmahayga ka caawin inay dhawraan iPad-ka oo koronto ku filan la geliyo (charging).
- Haddii aniga ama cunuggeyga aynu su’aal qabno ama ay nagu adkaato inaynu galno dersi uu macallinku soo geliyay Seesaw ama Schoology, waxaan email u diraynaa macallinka.
- Waxaan ilmahayga la daawan fiidiyowgan: How to be Safe and Care for your iPad oo ah Sida looga Taxaddaro oo loo Daryeelo iPad-kaaga
Xirnaanshaha dheer ee Iskoolka ka dib
- Haddii loo baahdo, waxaan ilmahayga weyddiin waxa uu macallinku ka soo yiri dersigii ay ka shaqeeyeen.
- Waxaan fahansanahay in aan fiirin karo duruusta maalinlaha ee la soo geliyo Schoology/Seesaw
Waxaan macallinka kala xiriiri doonaa wixii su’aal ah ee aan ka qabo duruusta uu ka shaqeeyay ilmahayga inta ay socotay waxbarasada durugsan.