Soomaali: Reopen SPPS
-
Waxaynu ku faraxsannahay inaynu ardayda dib ugu soo dhaweyno iskoolka laga billaabo Isniinta, February 1, 2021!
Shaqaalaheennu waxay u hawllan yihiin in la xaqiijiyo in si bedqab iyo habsami fiican leh looga gudbo waxbarashada durugsan, loona gudbo waxbarasho shaqsiyan iskoolka la imanayo iyo midda iskoolka Virtual Learning School.
SPPS waxay raaceysaa dhammaan shuruudaha iyo talooyinka lagu soo bandhigay Qorshaha Waxbarashada iyo Bedqabidda ee Minnesota. Waxaa naga go'an inaan kuu soo gudbinno wixii cusbooneysiin ah waqtigii loogu talagalay markii xogta oo faahfaahsan la diyaariyo. Xogta ugu dambeeya waxaa si joogto ah loogu dhejiyaa degelkan; fadlan dib noo soo booqo had iyo jeer, oo raadi warkii cusub ee ka yimaado iskoolka ardaydaada.
Jadwalka Dib ugu Noqoshada Iskoolka*
- January 25-29: Uma jiri doonaan wax duruus ah PreK-5, caruurta dhigato waxbarashada gaarka ee Early Childhood Special Education (ECSE) ama barnaamijyada waxbarashada gaarka ah ee Special Education Federal IV halka ay macallimiintu isu diyaarinayaan marxaladda kala-guurka ah
- February 1: Dhammaan ardayda ku jirta fasallada PreK-5, ECSE iyo Federal IV waxay waxbarashada la billaabi doonaan fasalladooda cusub, haddii ay shakhsi ahaan ugu soo noqonayaan fasallada ama haddii ay u guurayaan iskoolka online-ka ah ee Virtual Learning School. Tan macnaheedu waa:
- Ardayda dhigata PreK-2, ECSE, barnaamijyada Federal IV, Montessori Children's House iyo E1, iyo qaar ka mid ah fasallo ay dhigtaan arday isku dhafan heer ahaan ayaa February 1 billaabi doono waxbarashada shakhsi ahaanta fasalka la imaanayo
- Dhammaan ardayda iskoolka Virtual Learning School ee ku jirto PreK-5, ECSE iyo barnaamijyada Federal IV waxay waxbarashada la billaabayaan fasalladooda cusub February 1
- Ardayda dhigata fasallada 3-5 waxay la kulmi doonaan fasalladooda cusub ee waxbarashada durugsan laga billaabo February 1-12
- February 16: Ardayda dhigata fasallada 3-5 ee ku soo laabanaya iskoolka waxay si buuxda u billaabayaan waxbarasho shakhsi ahaan iskoolka la imaanayo
*Jadwalkan wuxuu khuseeyaa badi iskoolladeenna hoose iyo barnaamijyada Federal IV, laakiin waxaa laga yaabaa inay jiraan xoogaa kala duwanaansho ah taasoo ku xiran iskoolka. Qoysasku waxay si toos ah uga heli doonaan xog dheeraad ah iskoolladooda.
- January 25-29: Uma jiri doonaan wax duruus ah PreK-5, caruurta dhigato waxbarashada gaarka ee Early Childhood Special Education (ECSE) ama barnaamijyada waxbarashada gaarka ah ee Special Education Federal IV halka ay macallimiintu isu diyaarinayaan marxaladda kala-guurka ah
Fasalada 6 ilaa 12
-
Si loo taageero ardeyda dugsiyada sare ee u baahan caawimaad dheeraad ah, SPPS waxa ay bilaabi doontaa in si shakhsi ah loo caawiyo ardeyda 6-aad ilaa 12-aad. Waxaa qorshaha noogu jirta in barnaamijkan la bilaabo bisha Feberaayo. Si hawshaas loo bilaabo, ardeyda u baahan taageeradsa si ay ku qalinjebiyaan ama u sameeyaan casharradooda, ardeyda luuqadaha badan ku hadla, ardeyda ku jirta waxbarashada gaarka ah, iyo kuwa u baahan barashada shucuurta bulshada ayaa loogu hormarin doonaa. Waxaan soo wadnaa qaabab aan arday badan ugu sameyn karno taageero dheeraad ah sida ugu macquulsan sannadka oo dhan.
-
Talooyinka COVID-19 ee Ardeyda iyo Qoysaska
Qoysasku waa inay iska bartaan tilmaamahan, oo si joogto ah ayaa loo cusbooneysiiyaa tilmaamahaan iyagoo isla markaana ka hadlo xeeladaha ka hortagga xanuunka, baaritaanka iyo ka warqabka caafimaadka, qaabka la isku karantiilo, iyo Nidaamka SPPS loogu soo Gudbiyo Warbixinta COVID-19.
-
Boratakoolka Isgaarsiinta Warbixinta ee COVID-19
SPPS waxay si dhaw ula shaqeysaa Waaxda Caafimaadka ee Minnesota si loo go'aamiyo tallaabooyinka la qaadayo markii la soo sheego kiis COVID-19 ah. Farriimo ogeysiis ah ayaa la soo diri doonaa markii loo baahan yahay in tallaabo la qaado.
-
Daboolidda Wejiga iyo Agabka Badbaadada Qofeed (PPE)
Ardayda fasallada K-12, shaqaalaha iyo booqdayaasha waxaa looga baahan yahay inay xirtaan gafuur-xir haddii aan looga reebin xaalad caafimaad ahaan. Waxaa si adag loogu talinayaa in shaqaaluhu ay xirtaan gafuur-xir iyo caagga gaashaanka wejiga oo wada socdo markasta oo ay suurta gal tahay.
-
Warkii u Dambeeyay ee Dhismayaasha
Hawo wareegto oo hagaagsan, nadaafad-dhismeed maalinlaha ah, iyo xusuusinta bedqabka oo lagu dhejiyay iskoollada oo dhan ayaa ah qaar ka mid ah tallaabooyinka badan ee la qaadayo si loo hubiyo in si bedqab leh dib loogu soo noqdo iskoolka. Dhammaan iskoollada SPPS waxay leeyihiin hawo-sifeyntii u dambeysay oo ku wada jiro gudaha dhismayaasha.
-
Isbeddel Ku yimid Qaabka ay Qoysasku U imanayaan Dhismayaasha Iskoolka
Ardayda waa in lagu dejiyo bannaanka hore ee laga soo galo iskoolka. Qoysku uma kaxeyn karo ardayda fasalladooda ama meelkasta oo ka mid ah gudaha iskoolka. Intaas waxaa sii dheer, qoysaska looma oggolaan doono inay ka qadeeyaan iskoolka, ama kormeeraan fasal, ama si mutadawacnimo ah uga shaqeeyaan fasalka, ama inay ku lug yeeshaan waxqabadyo kale oo ka socdo gudaha iskoollada.
-
Degmada SPPS waxay raacdaa qaab nadiifin oo afar-heer ah kaasoo jawaab u ah wixii COVID-19 ah ee laga shakiyay ama la xaqiijiyay ee lagu sheegay dhismayaasha SPPS.
-
Ardaydu waxay quraac ku dhex cuni doonaan fasalkooda. Kafateeriyada iskoollada waxaa loo isticmaali doonaa in lagu bixiyo oo lagu cuno qadada meeshii macquul ah. Dhismayaasha aan lahayn kafateeriyo weyn oo saamixi karo raacidda tilmaamaha kala fogaanshaha dadweynaha, waxaa fasallada loo isticmaali karaa inay noqdaan goob lagu cunteeyo.
-
Gaadiidka Iskoolka
Darawallada basaska iyo ardayda K-12 waxaa looga baahan yahay inay basaska ku dhex xirtaan gafuur-xirro. Shaqaalaha iskoolka ayaa kormeeri doona meesha basasku yimaadaan iyagoo isla markaana hirgelin doono nidaam ardayda iskoolka lagu soo deynayo kaasoo kaalmo u ah kala fogaanshaha dadweynaha. Waxaa xogta baska iyo waddada uu soo istaagayo laguu soo dhigayaa boostada ka hor toddobaadka koowaad ee iskoolka.
-
Waxbarashada Durugsan ee Iskoolka Virtual Learning School
Wakhtiga kama dambaysta ah ee la isku qorayo iskoolka Virtual Learning School wuxuu ahaa Isniinta, January 11. Dhammaan ardayda iskoolka Virtual Learning School waxay billaabi doonaan February 1, waxaana ardaydaas ka mid ah fasallada 3-5. Fadlan wixii xog dheeraad ah ka raadi iskoolkaaga maadaama jadwalka fasallada la dhammeystiray.
Wararka Cusub ee Quseeya Qorshaha Dib-ugu-noqoshada Iskoolka
-
Ogaysiis Muhiim ah oo ka Yimid Kormeeraha Guud Joe Gothard
Waxaan qorshaynaynaa inaan ardayda sidii caadiga ahayd ee ardaygu iskuulka u aadi jiray caadi ahaan ku soo celino Isniinta, February 1, annaga oo ka bilaabayna ardaydayada da’da yar-yar.
-
Tilmaamaha Caafimaadka & Bedqabka ee u Dambeeyay
SPPS waxay raacaysaa Qorshihii Waxbarashada iyo Bedqabidda ee Minnesota ee u dambeeyay si loo xaqiijiyo in si bedqab leh shakhsiyan loogu soo noqdo waxbarashada iskoollada. Qaar ka mid ah tallaabooyinka bedqabka ee cusub ayaa ah:
- Gafuur-xirka iyo gaashaammada wejiga waa inay wada xirtaan shaqaalaha dugsiga mar kasta oo ay suuragal tahay inta maalintaas lagu jiro waxbarashada iskoolka
- Goobaha ay lagama maarmaanka tahay in la arko bishimaha qofka hadlayo, shaqaalaha ayaa si adag loogu dhiirrigelinayaa inay xirtaan gafuur-xir cad iyo weliba gaashaanka wajiga.
- Xaaladaha ay dhacdo in xirashada gafuur-xirka iyo gaashaanka wejigu ay abuuri karaan walaac xagga bedqabka ah (tusaale ahaan ka shaqeynta gaari, ka shaqeynta jikada, sheybaarka, iwm.), shaqaalaha waxay dooran karaan inay xirtaan gafuur-xir keliya.
- Waxbarashada hore iyo dugsiga hoose: Casharada gaarka ah waa in lagu qabtaa fasalka ama bannaanka (haddii cimiladu saamaxdo)
- Waxbarashada jirdhiska, farshaxanka, iyo adeegyada taakuleynta (la-talinta, waxbarashada gaarka ah, iwm.) waxaa lagu qaban karaa gudaha ama bannaanka fasallada
- Cuntooyinka waa in lagu cuno fasalka dhexdiisa haddii aan kafateeriyada laga heli karin 6 tallaabo oo kala fogaansho jireed ah oo u dhaxeeya ardeyda -- iyo haddii aan fasallada si cad loo kala saari karin inta ay dhex joogaan kafateeriyada.
- Saddex tallaabo oo kala fogaansho jirka ah ama ka badan ayaa si adag ugu talinaynaa.
- Gafuur-xirka iyo gaashaammada wejiga waa inay wada xirtaan shaqaalaha dugsiga mar kasta oo ay suuragal tahay inta maalintaas lagu jiro waxbarashada iskoolka
-
COVID-19 Baratakoollada Caafimaadka
SPPS waxaa ka go'an inay ardeyda, shaqaalaha iyo qoysaska u diyaariso iskuullada oo ah meel lagu helo badqabid iyo caafimaad. Isbeddellada ay arki doonaan shaqaalaha, ardayda, iyo qoysaska markii ay iskoolka ku soo noqdaan waxaa ka mid ah xeerka gafuur-xirka, tilmaamaha baaris yar oo caafimaad, iyo isbeddello lagu sameeyay baratakoolka nadiifinta iyo adeegyada cuntada iyo kuwo kale. Maamullada dhismayaasha waxay ka wada shaqeeyeen talooyinkaan, waxayna diyaar u yihiin inay ka fuliyaan iskuullada.
Baratakoolladaan caafimaad waxaa ka mid ah:
- COVID-19 ee Talooyinka Ardeyda iyo Qoysaska
- Qaab uu qofkii isku arko Calaamadaha COVID-19 u soo sheego
- Tilmaamaha gafuur-xirka
- Tilmaamaha iyo waxyaalaha la iska rabo ee baarista caafimaad
- Calaamadaha ku saabsan gafuur-xirka, kala fogaanshaha dadka/calaamadeynta dhulka, baaris yar oo ah caafimaadka dadka, gacmo-dhaqidda, iyo calaamadaha COVID-19.
-
Tilmaamaha Karantiillada
Tilmaamaha caafimaadka dadweynaha ayaa dhowaan isbeddelay oo ku saabsan karantiilka COVID-19 sababo la xiriira isku dhowaansho. Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waxay cusboonaysiyeen tilmaamahooda si wax looga qabto isbedelladan. SPPS waxay yareysey oo wakhtiga karantiilka ka dhigtay laga billaabo 14 maalmood ilaa 10 maalmood xaaladaha qaarkood. Ma joojin kartid karantiilkaaga 10 maalmood ka hor sabab kasta ha noqotee. Karantiil 14-maalmood ah ayaa weli loo baahan yahay markii qof ka mid ah reerkaaga uu leeyahay calaamado ama laga helay xanuunka COVID-19 maadaama ay aad u sarreyso halista ah lagu faafiyo dadka guriga isla deggan.
-
Gafuur-xirrada iyo Weji-daboollada
Ardayda fasallada K-12, shaqaalaha SPPS iyo booqdayaasha waxaa looga baahan yahay inay xirtaan weji-daboole haddii aan looga reebin caafimaad ahaan. Daboolidda wajiga ayaa looga baahan yahay dhammaan dhismayaasha iskoollada ee SPPS, xafiisyada degmada, iyo inta la saaran yahay gawaarida iskoolka. Ardayda, shaqaalaha iyo booqdayaasha waxaa laga filayaa inay keensadaan weji-daboole marwalba oo ay suuragal tahay. Si kastaba ha noqotee, gafuur-xirrada ayaa loo heli doonaa qof kasta oo u baahan.
-
Tilmaamaha Baaritaanka Caafimaadka
SPPS waxay u baahan tahay caawinaaddaada si loo xakameeyo faafitaanka COVID-19 adiga oo goor hore ogaanayo soo na sheegayo wixii jira iyo inaad raacdid hagaha ku saabsan inaad dadka iska soocdid haddii aad wax dareentid.
Calaamadaha COVID-19 waxaa ka mid ah:
- Qandho ka weyn ama u dhiganta 100.4 ° F
- Qufac cusub oo billow ah ama mid sii xumaanaya
- Neefsashada oo adkaata
- Waayitaanka dhadhanka iyo urta oo cusub; AMA
- ugu yaraan 2 ka mid ah kuwan soo socda:
- dhuun xanuun, lallabbo, matag, shuban, dhaxan, murqo xanuun, daal saa'id ah, madax xanuun cusub, sanka oo xirma ama sanka oo dareera
Ka jawaab afarta su'aalood ee soo socda:
Haddaad HAA uga jawaabtay mid ka mid ah su'aalaha kor ku qoran:
- Ha u dirin ilmahaaga iskool ama waxqabadyo, oo soo sheeg maqnaanshaha ilmahaaga
- Soo sheeg calaamadaha ilmahaaga ama haddii ay qof ka ag dhawaadeen adigoo isticmaalaya khadka intarnetka ee Nidaamka Warbixinta ee SPPS COVID-19 oo laga heli karo spps.org iyo dhammaan bogagga iskoollada
-
Soo Noqosho Tartiibsi leh
Si si bedqab leh loogu gudbo waxbarashada qof ahaaneed, Waaxda Caafimaadka ee Minnesota iyo Waaxda Waxbarashada ee Minnesota waxay uga baahan yihiin dugsiyada inay hirgeliyaan nidaam billow ah oo ardayda si tartiib tartiib ah loogu soo celinayo dhismaha. Wax ka badan saddex heer fasal oo dheeri ah lama soo gelin karo dhismaha dugsiga muddo labo toddobaad gudahood ah. Pre-K waxaa lagu dari karaa kindergarten haddii laga reebo fasallada kale.
-
Maalmaha Kala Guurka
Qorshihii Waxbarashada iyo Bedqabidda waxay degmooyinka waxbarasho ka doonayaan inay ugu yaraan isticmaalaan labo maalin oo ah qorsheyn iyo diyaargarow. Wax waxbarasho ah lama dhigi doono maalmahaas.
Iskuullada SPPS maalmahooda kala-guurka waxay noqon doonaan:
- PreK ilaa 2-aad
- Fasallada 3-aad ilaa 5-aad
- Fasallada 6-aad ilaa 12-aad
-
Waaxda Dhismayaasha ee SPPS
Waaxda Dhismayaasha ayaa iyagoo mashquul ah diyaarinaysay iskoollo iyo dhismayaal bedqab u leh shaqaalaha iyo ardayda. Hawo wareegto oo hagaagsan, nadaafad-dhismeed maalinlaha ah, iyo xusuusinta bedqabka oo lagu dhejiyay iskoolada oo dhan ayaa ah qaar ka mid ah tallaabooyinka badan ee la qaadayo si loo hubiyo in si bedqab leh dib loogu soo noqdo iskoolka.
Xog dheeraad ah oo ku saabsan qorshaha dhismayaasheenna waxaad ka heli kartaa halkan: spps.org/Page/40753
-
Adeegga Cuntada
Adeegga Cuntada Shakhsi ahaanta loo Qaadanayo
Dugsiyada Dadweynaha ee SPPS waxay baddeleen hanaankeenii caadiga ahaa ee adeegga cuntada ee iskool kasta. Shaqaalaha kafateeriyada iyo kormeerayaal xilliga qadada yimaado kafateeriyada ayaa caawinaad ka geysan doona socodka taraafikada, nadaafadda, iyo adeegga macaamiisha. Quraac bilaash ah iyo qado ayaa la siin doonaa dhammaan ardayda inta lagu jiro waxbarashada iskoolka la imaanayo.
Adeegyada quraacdu way sii socon doonaan iyagoo wax yar laga beddelay iyo sidoo kale qaar ka mid ah liiska cuntada. Ardaydu waxay sii wadi doonaan inay quraac ku cunaan fasalkooda. Kafateeriyada iskoolka waxaa loo isticmaali doonaa in lagu bixiyo oo lagu cuno qadada. Miisaska ayaa loo dhigi doonaa qaab lagu xoojinayo kala fogaanshaha dadweynaha, iyo ardayda isku kooxda ah way kala durqi doonaan markay wax ka cunayaan kafateeriyada. Calaamadaha iyo waxyaalo ku dheggan dhulka ayaa ka caawin doona in ardaydu xasuusato inay ilaaliyaan kala fogaanshaha dadweynaha. Looxyo wax kala qeybiyo ayaa la dhex dhigi doonaa shaqaalaha iyo ardayda safka qadada ku jiro, weel daboolan ayaa beddeli doona saxanka qadada ee caadiga ah.
Dhismayaasha aan lahayn kafateeriyo weyn oo saamixi karo raacidda tilmaamaha kala fogaanshaha dadweynaha, waxaa fasallada loo isticmaali karaa inay noqdaan goob lagu cunteeyo. Shaqaalaha waaxda nafaqada ayaa diyaarin doona oo xirxiri doona cuntada, kuna ridi doona cuntooyinka weel gooni ah iyagoo geynayo fasallada. Nidaam ah nadaafadda gacmaha ayaa loo diyaarin doonaa dhammaan ardayda iyo shaqaalaha, shaqaaluhuna waxay xiran doonaan weji-daboole oo leh gaashaanka wajiga marka ay cunnada siinayaan ardayda.
Qaadista Cuntada & Keenidda
Cuntada baakadeysan ayaa laga soo qaadan karaa iskoollo cayiman oo ku dhex yaal Saint Paul. Cuntadu waa u bilaash dhammaan carruurta 18 iyo wixii ka yar, oo iyo kuwa naafada ah ee hadda ku qoran barnaamij ka baxo iskool, balse aan cuntada ka helin iskoolka. January 25 ka dib, cunto keenidda waxaa heli kara tiro kooban oo ah ardayda Saint Paul Public Schools kuwaas oo caafimaad ahaan nugul ama aan ka bixi karin gurigooda si ay u soo qaataan cunto.
-
Gaadiidka: Baska oo si Bedqab leh loo Raaco
Waa kuwan qaar ka mid ah dhaqamada leh caafimaad iyo bedqab ee la hirgelin doono marka ardayda loo qaadayo ama laga keenayo iskoolka.
Gafuur-xir
Darawallada basaska iyo ardayda K-12 waxaa looga baahan yahay inay basaska ku dhex xirtaan gafuur-xirro. Darawallada basasku waxay hayaan gafuur-xir oo la siin karaa ardayda haddii loo baahdo.
Imaanshaha iyo Tegitaanka
Shaqaalaha iskoolka ayaa kormeeri doona goobta uu basku imanayo iyaga oo la kulmaya bas kasta, kormeeraya tirada ardayda ka soo dageysa hal mar, iyo iyagoo ku dhiirrigelinayo ardayda inay ilaaliyaan kala fogaanshaha dadweynaha. Iskoolladu waxay dejin doonaan qaab ardayda loo soo fasaxo markay xiisaddu dhammaato, qaabkaas oo kaalmo u ah kala fogaanshaha dadweynaha.
Baaritaanka Caafimaadka
Qoysasku waxay mas'uul ka yihiin hubinta calaamadaha ardaydooda ka hor inta aysan aadin goobta baska laga raaco.
Nadiifinta iyo Jeermis-tirtiridda
Basaska waxaa maalin kasta laga dilaa jeermiska. Darawallada ayaa nadiifin doona aagagga taabashadu ku badan tahay inta u dhaxeysa rarka ay qaadayaan.
Daaqadaha
Haddii cimiladu saamaxdo, daaqadaha ayaa furnaan doona si ay uga caawiyaan kordhinta wareegga hawada.
-
Nadaafadda & Jeermis-dilidda
Caafimaadka iyo Fayoqabka Ardayda, Kooxda Adeegyada Deegaanka (ESG), Amniga iyo Maareynta Degdegga ah, iyo shaqaalaha nadiifiyo iskoollada ayaa si dhow uga wada shaqeynaya si loo hubiyo bedqabka ardaydeenna iyo shaqaalaheenna. Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waxay raacaan qorshe nadiifin afar-heer ah oo looga jawaabayo warbixinnada la xiriira calaamadaha iyo/ama ogaanshaha xanuunka COVID-19.
Shaqaalaheenna daryeelka waxay si weyn u kordhin doonaan tirtirka iyo nadiifinta meelaha dadweynaha iyo meelaha taabashadu ku badan tahay ee dhismayaashayada inta ay socoto waxbarashada iskoolka maalin kasta. Waxaan sidoo kale macallimiinteena iyo shaqaalaheena siin doonnaa qalabka nadiifinta si ay u nadiifiyaan oo u jeermiska uga dilaan oogada meel walba, hadba sida loogu baahdo.
Habeen kasta, kooxdayada nadiifinta waxaynu si buuxda u nadiifin doonnaan oogada meelaha dhismahayaga, iyaga oo mar kale jeermiska ka nadiifinaya meelaha taabashadu ku badan tahay sida baafka alaabta lagu dhaqo, ilaha biyaha laga cabo, qafisyada albaabka, miisaska iyo kuraasta.
-
Isoolka SPPS Virtual Learning School
Iyadoon la eegayn qaabka waxbarasho ee ay wasaaradda caafimaadka (MDE) ku taliso in degmadu raacdo, degmada SPPS waxay bixin doontaa iskool online ah SPPS Virtual Learning School sannadka oo dhan taas oo la siinayo qoyskii aan dooneyn in caruurtoodu ay aadaan iskoolka shakhsi ahaan ama waxbarashada isku dhafan sannad-dugsiyeedka 2020-2021.
Iskoolka SPPS Virtual Learning wuxuu u daadihin ardayga inuu qalin-jebiyo, wuxuuna buuxin heerka waxbarasho ee gobolku ardayda ka doonayo.
-
Barnaamijka Waxbarashada Durugsan ee Distance Learning 2.0
Markii la billaabay waxbarashada durugsan gu'gan, waxay ahayd jawaab deg-deg ah si xakameeyo faafitaanka COVID-19 ee Minnesota. Tan iyo wakhtigaas, SPPS waxay hawlgelisay dhowr koox oo daneeyayaal ah si ay uga helaan fikrado. Waan dhageysannay jawaab celintaas, oo waxaynu soo bandhigi doonnaa Distance Learning 2.0 oo ah madal la sii hormariyay oo loogu talagalay waxbarashada sannad-dugsiyeedka 2020-21.
Shaqaalaheenna waxaa ka go'an inay ardayda iyo qoysaska siiyaan fursadaha waxbarasho oo tayo sare leh oo ay filayaan. Deyrtan, ardaydu waxay la kulmi doonaan hab cusub oo loo abaabulo duruusta, mid isku waafajinaya muuqaalka iyo qaabka loo isticmaalo Schoology iyo Seesaw inta udhaxeysa koorsooyinka si ay u fududaato adeegsigooda. Waxaa jiri doona duruus badan oo "isku wakhti" si toos ah u bixi doona, iyo qorsheyaal ah buundo-bixinta ayaa la sharrixi doonaa billowga koorsada.
Fasallada barnaamijka Waxbarashada Durugsan 2.0 waxay yeelan doonaan duruus maalin kasta u bixi doono si toos ah oo isku mid ah (oo hal wakhti ah) kuwaasoo loogu talagalay dhammaan ardayda. Iyadoo la adeegsanayo aaladaha tikniyoolajiyadda ee aan meesha ku hayno, waxaa sidoo kale jiri doona is-dhexgal maalinle ah oo u dhaxeeyo ardayda. Xog dheeraad ah oo ku saabsan Waxbarashada Durugsan 2.0 ayaa idinla wadaagi doonnaa toddobaadyada soo socda.
-
Caruur-hayn (Childcare)
Ardayda iskoollada SPPS ee ay da'doodu tahay 12 sano iyo wixii ka hooseeya oo ah caruurta Kooxda Koowaad (Tier 1) ee ay dhaleen shaqaalaha muhiimka ah waxaa lagu haynayaa kharash la'aan xilliga uu iskoolku furan yahay. Shaqaalaha barnaamijkan xannaannada caruurta waa kuwo aan haysan shatiga. Caruurtu waxay la joogayaan koox yar oo ay isku fac yihiin iyo shaqaale isku mid ah maalin kasta. Gafuur-xirku waa khasab, oo waxaa si adag loo raacayaa talooyinka Waaxda Caafimaadka ee Minnesota iyo barnaamijyada xannaannada carruurta.
Wakhti gaar ah ayaa loo qoondeynayaa ardayda si ay uga qeyb galaan Waxbarashada Durugsan. Waxaa laga rabaa in uu arday kasta keligiis isku filnaado iyagoo caawin xaddidan ka helayo shaqaalaha. Quraac iyo qado ayaa la bixin doonaa. Halkan ka ogow faafaahinta daryeelka carruurta ama Essential Kids Care.
Discovery Club
Qoysaskii horey iskaga diiwaangeliyey caruur-haynta Discovery Club ee iskoolka ka hor iyo ka dib waxay haystaan ilaa Diseembar 27 si ay u caddeeyaan baahida ka haysato caruur-haynta. Awoodda shaqaalaynta ayaa go'aamin doonta in daryeelka la billaabi karo ka hor intaysan dhammaan ardayda PreK-5 ku soo noqon waxbarashadda iskoolka la imaanayo. Wixii xog dheeraad ah, booqo spps.org/discoveryclub oo guji Diiwaangelinta.
-
Ciyaaraha fudud & Waxqabadyada Manhajka ka Baxsan
Ka dib Amarka Fulinta ee hadda ka soo baxay Guddoomiyaha Tim Walz, dhammaan cayaaraha shakhsi ahaaneed iyo waxqabadyada manhajka ka baxsan hadda waa la hakiyay. SPPS waxay dib u billaabi doontaa tababbarka cayaaraha jiilaalka January 14. Wixii xog dheeraad ah, fadlan booqo spps.org/sports