-
SPPS VIRTUAL LEARNING SCHOOL
Waxay degmada Saint Paul Public Schools ku faraxsan tahay inay Waxbarasho Durugsan oo 100% ah online siiso ardayda PreK-12 ee doorbidayo inay helaan waxbarashada durugsan sannad-dugsiyeedka oo dhan. Fursaddan mar walba waa diyaar xitaa haddii ay degmadu go’aansato waxbarasho la imanayo iskoolka, ama mid isku dhaf ah (hybrid), ama mid dhammaanteedba wada online ah.
Waynu garowsannahay arrimaha cakiran ee uu saf-markan COVID-19 u keenay ardayda, shaqaalaha, iyo qoysaska. Waxaynuna rajeyn in barnaamijka waxbarashada guriga ee SPPS Virtual Learning School uu bixin doono waxbarasho qiimo leh oo beddeli karto tan iskoolka loo imanayo.
Barnaamijkan oo waafaqsan tilmaamaha waxbarasho ee wasaaradda waxbarashada ee Minnesota Department of Education (MDE), wuxuu ardaydeenna siinayaa waxbarasho buuxinayso dhammaan heerarka la iska doonayo gobolkan, barashada luuqadda Ingiriiska (EL), waxbarashada baahiyaha gaarka ah, fursado kale oo ay ardaydu ku xulan karaan fasallada ay xiiseeyaan, iyo waxyaalo kale.
Sida qaababka kala ah waxbarashada iskoolka la imanayo ama midda isku dhafka ahba, ardayda dhigato fasallada K-2 waxay duruusta ku qaadanayaan Seesaw halka ardayda fasallada 3-12 ay duruusta ku qaadan doonaan Schoology. Ardayda waxay isticmaali doonaan aaladaha intarnetka ee SPPS iyo dhowr app oo kala duwan.
Ka war-qabka baahida ardayda ee dhanka bulsho-la-dhaqanka iyo dhanka shucuurtoodaba waa qeybo muhiimmad u leh iskoollada SPPS. Waxaa kaloo barnaamijka waxbarista qeyb ka noqon doono ka shaqeynta duruusta, ardayda oo xiriir wada sameeyo online ahaan, iyo macallin qaas u ah oo ardayda la shaqeeyo.
Ku soo noqo boggan si aad u heshid xog dheeraad oo ku saabsan SPPS Virtual Learning School maalmaha iyo toddobaadyada soo socdo.
Frequently Asked Questions
-
Marka ay degmada SPPS u gudubto waxbarasho isku dhafan, ardaygeyga ma wuxuu helayaa isla macallinka hadda u dhigo?
Intii macquul ah, ardayda waxay la joogayaan macallinkooda hadda u dhigo. Inta ay ku jiraan u guuridda waxbarashada durugsan, ardayda qaarkood waxaa laga yaabaa in uu isbeddel kaga yimaado dhanka macallinka wax u dhigayo iyo ardaydii ay wax isla dhiganayeen.
Markii la diyaariyo fasallada Virtual Learning School, shaqaale ka mid ah kuwa iskoolka ayaa lagu qorayaa inay dhigaan fasallada Virtual Learning School. Waa muhiim in la ogaado in abuuridda fasallada Virtual Learning School ay saameyn doonto dhammaan fasallada iskoolka.
Markii macallimiinta lagu qoro fasallada online-ka ah, ardaydii ay waxbarayeen billawga sannadka waxay u beddelan karaan waxbarasho isku dhafan iyo mid ah Virtual Learning School.
-
Ilmahayga ma dhigan doonaa iskoolkiisa caadiga ah markii ay degmada SPPS u guurto waxbarashada isku dhafan iyo midda online-ka ah ee Virtual Learning School?
Intii macquul ah, waxaa mudnaan inoo leh in ardayda ay joogaan iskoolkooda ay hadda ku qoran yihiin. Iyadoo la eegayo ardayda is qortay iyo shaqaalaha la hayo, waxaa dhici karto xaaladaha qaarkood in ardayda dhiganeyso barnaamijka Virtual Learning School ay wax la bartaan oo fasalka la galaan arday ka timid iskoollo kale oo degmada ka mid ah.
Haddii ardayda ku jirto barnaamijka Virtual Learning School la geeyo fasallo ka baxsan iskoolka ay hadda dhigtaan, wax saameyn ah kuma yeelanayso iskoolka ay hadda ku qoran yihiin sannad-dugsiyeedka 2021-22.
Ardayda dhigato fasallada waxbarashada durugsan waxay joogayaan iskoolka ay hadda ku qoran yihiin inta ka dhiman sannad-dugsiyeedka.
-
Ardayda dhigato barnaamijka Virtual Learning School ma heli doonaan waxbarashadii iskoollada qaaska ahaa ee magnet-ka ah oo kale?
Tan waxay ku xirnaan doontaa tirada ardayda ka timid iskoollada magnet-ka ee isku qortay barnaamijka Virtual Learning School.
Haddii ardayda ka timid iskoollada magnet-ka ah ee isku qortay barnaamijka Virtual Learning School ay badan yihiin (qiyaastiina ah 25 arday ama ka badan), waxaa markaas loo abuuri karaa fasallo kulmiyo ardayda ka socoto iskoolkaas.
Hayeeshee haddii ardayda ka timid fasallada magnet-ka ee isku qoreysa barnaamijka Virtual Learning School uu hooseeyo (qiyaastiina ah arday ka yar 25), waxaa lama huraan noqoneysa in hal fasal la isugu geeyo ardayda magnet-ka dhigan jirtay iyo ardayda ka timid iskoollada caadiga ah. Haddii ay sidan dhacdo, waxaa la yareyn ama la joojin duruustii laga dhigi jiray iskoollada manget-ka ah.
-
Maxaan u dooran iskoolka waxbarashada durugsan haddii ay degmadu ku noqoto iskoolka September 8?
Haddii ay degmadu ku noqoto iskoollada September iyagoo raacayo qaabka waxbarashada durugsan, waa macquul inay aakhirkii u gudbaan qaabka waxbarashada isku dhafan ama mid fasalka la imanayo. Xulashada inaad isku qortid barnaamijka waxbarashada durugsan (Distance Learning School) waxay kuu ballanqaadi inaadan la kulmin wax carqalado ah markii la kala beddelanayo barnaamijyada waxbarashada. Arday dhigto barnaamijkan waxbarashda durugsan wuxuu ilaa sannadka oo dhan sii wadan karaa barnaamijkan.
-
Sidee buu ardaygaygu wax uga baran karaa barnaamijka waxbarashada durugsan?
Degmada SPPS waa mid arday walba siiso hal iPad. Arday walba waxaa la siin iPad, gal, iyo fiilada korontada ee iPad-ka la geliyo. Qoysaska u baahan aaladda WiFi hotspot waxay codsan karaan ka dib markii la isqorista la dhammeeyo. Haddii ay macquul tahay, qoysaska waxaa lagu boorin inay isticmaalaan intarnetka gurigooda iyo WiFi-gooda.
-
Sidee buu barnaamijka waxbarashada durugsan uga duwanaan doonaa midka la imanayo fasalka ama isku dhafka ah?
Barnaamijyada la imanayo fasalka ama kuwa isku dhafka ah waxaad ka helaysaa arday iyo shaqaale aad la mucaamashid. Barnaamijka waxbarashada durugsan waxaa gebi ahaantiisaba lagu sameyn karaa guriga ardayga, oo ma lahan arday iyo shaqaale si toos ah loo la mucaamalo.
-
Qaab noocee ah ayaa manhajka iyo waxbariddaba loo sameyn doonaa?
Kama duwana sida waxbarashada fasalka loo tegayo ama midda isku dhafan, oo ardayda dhigato fasallada K-2 waxay duruusta ku qaadan app-ka Seesaw halka kuwa dhigto fasallada 3-12 ay wax ku baran doonaan app-ka Schoology. Ardayda waxay isticmaali doonaan aaladaha SPPS sida app-ka. Halkan ka akhri: here.
-
Tallaabooyinkee la raacaa haddii aan rabo inaan iska beddelo barnaamijka waxbarashada durugsan?
Hadda waxaa la qorsheynayaa qaabka loo beddelo barnaamijyada; markii la ogaadana isla durbadiiba waa laguu soo sheegi.
-
Maaddooyin noocma ah ayaa la bixin doonaa?
Maaddooyinka aasaasiga ah iyo kuwo ay ardaydu xiisayso waa la bixin doonaa. Hadda waxaa la qorsheynayaa maaddooyinka la bixin doono; markii la ogaadana isla durbadiiba waa laguu soo sheegi.
-
Ardayda ma heli doonaan adeegyada luuqadda ingiriiska ee EL iyo waxbarashada baahiyaha gaarka ah?
Haa, kaalmada iskoolka ayay heli doonaan ardayda dhigato barnaamijka waxbarashada durugsan (Distance Learning School).
-
Ardaydu ma qaadan karaan isla maaddooyinka ay qaataan ardayda ku jiro waxbarashada nooceeda isku dhafka ah?
Inkastoo la heli karo maaddooyinka aasaasiga ah iyo kuwo ay ardaydu xiiseeyaanba, maadooyinka qaarkood oo ku eg iskoollada qaarkood lama heli doono sababtoo ah waxaa loo baahan doonaa qalabkii wax lagu baranayay (sida maaddada alxanka ama dheri-sameynta).
-
Ardaygaygu qalin-jebinta wixii u sahlayay ma helayaa?
Haa, waxaa la helayaa maadooyinka loo baahan yahay inuu qaato ardayga si uu u qalin-jebiyo.