• Magaca Ardaygu ku soo Gelayo Aalladda Waxbarasho ee Saint Paul Public School

    Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waxaa ka go'an inay hubiyaan in dhammaan ardayda iskoolka iyo degmada kala kulmaan jewi iyo dhaqan wanaagsan. Xushmeynta dhammaan magacyada ardayda ee fasallada shaqsi ahaanta loo imanayo iyo kuwa online-ka ahba, iyo sidoo kale jewi waxbarasho oo shaqsiyan ardayga u shaqeynayo ayaa muhiim inoo ah in loo sheego ardayda in la aqoonsan yahay laguna qiimeenayo qofka ay yihiin. 

     

    Taariikh

    Markii ay SPPS hirgalisay aaladaha waxbarashada ee online-ka loo adeegsado iyo madasha wax lagu barto sida Google Suite iyo Schoology, ardayda 'magacooda' sharciga ah ee ku qoran nidaamka diiwaanka ardayga ayaa la isticmaalay oo lagu qoray geddi goobaha wax lagu barto oo dhan. Tani waxay ka duwaneyd dhaqanka caadiga ah ee fasallada halkaasoo barayaasha iyo ardaydu ay had iyo jeer isugu yeeraan naanays, magac guud, ama magac kale oo la doorbido oo horey loo caddeeyay. In qof kasta oo ku jira goobta wax lagu barto ee iskoolka la weyddiiyo inuu ardayga u isticmaalo magac kale way fududeyd oo wixii isbeddel ah degdeg ayaa lagu sameyn karay. 

    Si kastaba ha noqotee, beddelidda magaca ardayga markii la isticmaalayo aaladaha waxbarashada waxay noqotay mid aad u dhib badan, waxayna caqabad ku noqotay ardayda, qoysaska iyo/ama shaqaalaha si loo ixtiraamo magacyada ardayda ay rabaan in loogu yeero goobahooda waxbarasho. 

     

    War Quseeyo Muujinta Magaca Naynaasta ah ee Aaladda loo Isticmaalayo

    Ardayda dhigata SPPS waxay awoodi doonaan inay hadda helaan magacooda ay doorbidayaan kana muuqanaya aaladda online ahaan, madal waxbarasho oo shaqsiyan ardayga u shaqeynayso taasoo ah qaab la mid ah sidii looga bartay fasallada caadiga ah. Tusaale ahaan, ardayga magaciisu sharciga yahay "Jordan" laakiin naynaas ka dhigtay "Danny" waxaa looga aqoonsan doonaa inuu yahay "Danny" Schoology iyo Google Meets.

  • Muxuu yahay Magaca Ardayga ee Ka soo Muuqanayo Madasha Waxbarasho ee SPPS?

  • Yaa go'aamiyo Magaca Naynaasta Ardayga ee ka soo Muuqanayo Madasha?

  • Goormaa la beddeli karaa Magaca Naynaasta Ardayga ee ka Muuqdo Aaladda?

  • Beddelaadda Magaca Naynaasta ee Aaladda ka soo Muuqdo ee ardayga miyuu beddelayaa Magaca Hore ee ardayga ee Sharciga ah?

  • Sidee u beddeli karaa Magaca Hore ee Sharciga ah ee ardayga?

  • Ka waran haddii ardaygu uusan lahayn naynaas ama uusan doonaynin magac kale oo uu ku qorto muraayadda aaladda wax lagu barto?

  • Yaa arki doono Magaca ardayga ee ka soo Muuqanayo Aaladda?

  • Ardaygu ma dooran karaa Magac kale oo Naynaas ah sidii uu ugu muuqdo keliya dad ama kooxo gaar ah?

  • Ardayga Magaciisa Koowaad ee sharciga ah marna ma la arki doonaa?