Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul: Waxay Ardayda Siinayaan Duni Dhan oo Fursado ah
-
Si lagaaga caawiyo inaad dugsi dooratid fadlan waxaad wacdaa Xarunta Meelaynta Ardayda 651-632-3709. Waxaa halkaa jooga oo ku caawinaya qof ku hadla af-soomaali.
-
Gaadiidka Baska ee Iskuullada
Sida ugu sahlan ee dugsiga lagu tagi karo waa raacidda baska dugsiga. Qoysasku waxay heli doonaan macaluumaadka meesha basku istaago dhamaadka bisha Agoosto.
-
Waxa uu Ilmahaagu ka Baranayo Dugsiyada Dadweynaha Saint Paul
Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waxay ardayda siinayaan hab barasho iyo tacliineed oo ku salaysan baahida shakhsiga. Madooyinka muhiimka ah iyo nashaadaadka waxbarashaba waxay ku salaysanyihiin heerka gobolka Minnesota, waxaa loogu talagalay inta ugu badan ee suurta gal ah in ay la saanqaadaan awooda waxbarasho ee ardaywalba.
-
Waxbarasho ku Salaysan Baahida Shakhsiga
Dhamaanteen siyaabo iyo qaabab kala duwan ayaan wax u baranaa. Wax barashada ku salaysan baahida shakhsiga waxay fulinaysaa qaabkii arday walba uu u heli lahaa sida ugu wanaagsan ee uu wax u baran karo.
-
Barnaamijyada Pre-Kindergarten
Waxaan aad ugu faraxsanahay in Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul in tooda badan ay leeyihiin barnaamijka Xanaanada kahor oo lacag la’aan ah. Barnaamijka Xanaanda kahor (pre-K) waa barnaamij la xaqiijiyay in uu caawinayo ardayda jirta afar sano si ay ugu diyaar noqadaan in ay ku guulaystaan waxbarashada dugsiga.
-
Su’aalaha Had iyo Jeer la’is weydiiyo
Halkan waxaa ku daabacan su'aalaha iyo jawaabaha ku saabsan diiwaan-galinta ardayda ee Dugsiyada Dadweynaha Saint Paul.
-
Barnaamijka U Diyaarinta Kuleejka iyo Shaqooyinka
Iyadoo loo marayo barnaamijyo waxbarasho oo kala duwan, ardaydu diyaar ayay u noqon karaan kuleejka, iyagoo helaya kiridhidka (credit) dugsiga sare iyo kuleejka, iyo barashada xirfado la xiriira shaqooyinka ay jecalyihiin.
-
Barashada Luqadaha Badan
Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waxaa dhigta ardayda ugu badan ee ka kale yimid qoomiyado kale duwan marka loo fiiriyo wadanka guud ahaan. Ardayda iyo qoysaskoodu waxay ku hadlaan ilaa in ka badan 100 luuqadood iyo lahjadood.
-
Adeegyada Waxbarashada Gaarka ah
Barnaamijka waxbarashada gaarka ah ee Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul, wuxuu aqoonsan yahay muhiimmada ay leedahay in khibrada waxbarasho loogu tala galo arday waliba taas oo daboolaysa baahida arday walba laga bilaabo dhalashada ilaa 21 jirka.
-
Barnaamijyada Iskuulka ka-hor iyo Ka-dib
Discovery Club waa barnaamij caruurhayn (child care) oo amaan ah oo kobciya caruurta waxbarashada iyo horumarka caruurta oo baxa dugsiga kahor iyo ka diba maalmaha iskuulku jiro iyo maalmaha uusan jirinba.
-
Barnaamijka Taageerada Ardayda
Wax ka baro barnaamijyada taageerada ardayda ee laga helayo Dugsiyada Dadweynaha Saint Paul
-
Khariirada Dugsiyada Hoose
Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waxay xaafad walba oo Saint Paul ka mid ah ku leeyihiin dugsiyo wanaagsan. Shaxda Tixraaca Dugsiyada Hoose | Shaxda Tixraaca Dugsiyada Dhexe | Shaxda Tixraaca Dugsiyada Sare.