Tallaabooyinka lagu Xusho Iskool Wanaagsan
-
Qaabka loo Xusho Iskool
Ka feker
Ka feker iskoollada hayo adeegyada aad dooneysid iyo haddii la helayo baska iskoolka oo imanayo cinwaanka gurigaaga ama xarunta daryeelka caruurta.Isha mari
Isticmaal School Finder oo ku jiro bogga spps.org/apply oo isha mari iskoollada aad xulan kartid.Imow Warbixinta Iskoolka oo ah Mid Khadka Intarnetka ka Dhaceys
Warbixinta ka dhaceyso khadka intarnetka (virtual open house) waa fursad fiican oo aad wax badan ka ogaan kartid iskoollada ku xiiso-geliyo. Is-barta shaqaalaha, “fiiri” fasallada oo wax ka ogow barnaamijyada iyo adeegyada loo heli karo ilmahaaga.Ahmiyad gaar ah sii
Ilaa labo iskool ku qor arjigaaga. Iskoollada aad xulatid sida aad u kala hormarisid ayaa laguugu tixgelinayaa.Codso
Codso online ahaan oo gal spps.org/apply ugu dambeyn March 5, 2021, si’aad u heshid fursadda ugu fiican ee aad ku geli kartid iskoolka aad xulatid.Caruurta Kindergartners! Codso iskoolka xaafaddaada ugu dambeyn Jimcaha, Jan. 15, si aad u heshid farriinta aqbalidda oo dhakhso ah.
-
Yay tahay inuu Codsado?
Arji cusub ayaa la rabaa haddii:
- Uu ilmuhu hadda diiwaan-gashanyahay, laakiin uu codsanayo iskuul kale.
- Uu ilmhuhu ku cusub yahay Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul.
Arjiga aalaaba lagama doonayo ardayda:
- Sii joogayso iskoolkooda ama sii wadan doonto barnaamijkooda magnet-ka ah sannadka soo socda
- Ardayda deggan Saint Paul oo hadda iskoolka dhigato, isla markaana gelayo fasalka Kindergarten, fasalka 6-aad ama 9-aad iyagoo sii wadan doono barnaamijkii tubta tacliinta (pathway) ee iskoolkooda uga socday.
-
Liiska Sugitaanka boosaska
Liiska sugitaanka waxaa loo sameeyay iskuullada iyo barnaamijyada helo codsiyo ka badan inta ay u hayaan kuraas ama baaxad. Ardayda waxaa lagu daraa liiska sugitaanka iyadoo liiska loo gelinayo hab ku salaysan iskuulkooda doorashada koobaad. Haddii boos bannaanaado, ardayda waxaa loo tix-gelinayaa doorashadooda koobaad. Liiska Sugitaanku wuxuu dhacaa laba usbuuc kadib markuu iskuulku billawdo sida ay sameeyaan badi iskuullada iyo barnaamijyaduba (markii laga reebo—xagga dhicitaanka—barnaamijyada Pre-K, barnaamijyada luuqadaha ee “language immersion programs” iyo Capitol Hill Gifted and Talented). Fadlan
Fadlan Ogow: Ardayda la qiimeeyay inay yihiin kuwo hibo leh oo u qalmo barnaamijka Gifted and Talented ee iskoolka Capitol Hill ballan-qaad uma haystaan inay boos ka helaan iskoolkaas.
Gaadiidka Baska ee Iskuullada
-
Tilmaamaha Gaadiidka
Isticmaal batoonka School Finder ee iskoollada laga raadiyo ee spps.org/apply si aad u aragtid iskoollada u adeego Aagga aad deggan tahay. Fadlan ogow iskoollada xaafadda iyo kuwa magnet-ka Saint Paul ee heer deegaan iyo heer degmaba way ku kala duwan yihiin aagga looga imanayo.
Gaadiid waa loo hayaa ardayda deggan magaalada Saint Paul. Ardayda u qalanto gaadiidka waxaa lagu qoraa goob uu basku ka qaado iyadoo lagu saleynayo cinwaanka gurigooda ama xarunta daryeelka caruurta.- PreK-5: Baska iskoolka waxaa loo heli karaa ardayda ku nool meel u jirta iskuulka wax ka badan nus-mayl. Waxaa ka mid ah qorshahan ardayda dhigata fasallada PreK-5 ee iskuullada ah PreK-8.
- 6-12: Fasalka 6-12’aad oo uu ku noolyahay meel u jirta iskuulka wax ka badan nus-mayl. Waxaa ka mid ah qorshahan ardayda dhigata fasallada 6-8 ee iskoollada 6-12.
- Waxbarashada Baahida Gaarka ah leh: Qorshaha barnaamijka ee IEP, waxaa khasab ah in lagu xuso baahida gaadiid ee arday walba. Si ay u helaan macluumaad dheeraad ah oo la xiriira gaadiidka, waaliddiintu waxay la hadli karaan qof ka mid ah kooxda qorshaha waxbarashada shakhsiga ah ee dugsiga. Inta badan, ardayda naafada ah waxay raacayaan nidaamka gaadiidka ee Dugsiyada Dadweynaha Saint Paul.
Fadlan ogow: Haddii aad codsatid iskool ka baxsan Aagga aad deggan tahay, ama ka fog yahay iskoolka xaafadda, ama uusan aheyn iskool magnet ah oo xaafaddaada ku yaalla, waa inaad saxiixdid warqad oraneysa inaadan heli doonin basaska iskoolka oo aad adigu ilmahaaga keeni doontid, kana qaadi doontid, iskoolka. Wac Xarunta Meelayna Ardayga wixii xog dheeraad ah.
-
Baska Dadweynaha ee Metro Transit
Ardayda fasallada 9-12 ee dugsiga sare ee Creative Arts, Gordon Parks High School iyo, Johnson Senior waxay iskuulka u raacaan kagana yimaadaan basaska Metro Transit. Si aad u hesho macluumaad dheeraad, ka wac 651-632-3760 Xarunta Meelaynta Ardayga.
Raadi Iskool
-
Dugsiyada Hoose
Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waxay xaafad walba oo Saint Paul ka mid ah ku leeyihiin dugsiyo wanaagsan. Si aad u hesho gaadiidka baska, dooro iskuul, ama barnaamijka magnet-ka ah ee u adeego Aagga aad ku nooshahay.
-
Dugsiyada Dhexe
Saint Paul Public Schools waxay ardeyda dugsiga dhexe u haysaa tacliin adag iyo barnaamijyo taageerid ah oo loogu fududeeyo kala-guurka carruurnimada ilaa da'da ka dambeysa toban jirka. Si ilmaha loogu qoro baska iskuulka, waa inaad doorataan iskuul ama magnet ku yaalla Deegaanka aad ku nooshihiin ee (A-F1/F2).
-
Dugsiyada Sare
Saint Paul Public Schools waxay dugsiyada sare u haysaa waxbarasho kala duwan iyo barnaamijyo ku habboon oo loogu tala galay si ardeyda qalinjebineysa loogu diyaariyo shaqa-helid ama tacliin sare. Si ilmaha loogu qoro baska iskuulka, waa inaad doorataan iskuul ama magnet ku yaalla Deegaanka aad ku nooshihiin (oo ah A-F1/F2).
-
Iskoollo ka Duwan Kuwii Hore
Iskuul ka duwan kuwii hore waa mid loo hayo ardeyda u baahan ama doonaya hab waxbarasho oo ka duwan iskuuladii hore. Saacado kala duduwan, qaabab waxbarid kale iyo fursado dhibco kuleej oo ardeyda ku caawiya in ay degdeg u qalin-jabiyaan. Fadlan wixii faahfaahin ah kala xiriir xafiiska Student Placement Center 651-632-3760.
-
Iskoollada Magnet-ka Saint Paul ee Heer Deegaan iyo Heer Degmo
Dugsiyada loo yaqaano Magnet waxay diiradda saaraaan maaddooyinka aqoonta xuddunta u ah oo ay ka midka yihiin akhriska, xisaabta, iyo sayniska oo ay weliba xoogga sii saarayaan meelo qaas ah.
Advanced Placement (AP): Barnaamijka fasallada AP waa koorsooyin ah heer kuleej oo imtixaan qaran wata kuwaas oo u oggolaanaya ardaydu inay helaan koorso kuleej.
Aerospace/Engineering: Waxa si gaar ah ardayda loo baraa maaddooyinka la xiriira habka diyaaradaha iyo injineernimada iyadoo iskoolka Johnson Senior la isku barayo wax soo saarka.
American Indian Language and Culture: Waxaa lagu bartaa taariikhda, luuqadda, dhaqanka, farshaxanka iyo waxay qiimayso qowmiyadda American Indianka.
Arts: Barnaamijkan wuxuu ardayga u ishaaraa inuu kobciyo xirfaddiisa ama hibadiisa qofeed iyadoo iskoolka lagu siinayo waayo-aragnimo hal-abuur.
BioSMART: Barnaamijkani wuxuu diiradda saaraa isku dhafka waxbarashada noocyadeeda oo dhan iyo tiknoolajiyada isagoo bixiyo labo fasal oo saynis/injineernimo ah sannad walba.
Gifted and Talented: Barnaamijkan wuxuu ardayda kula dadaalaa inay soo saaraan awood iyo karti ay wax ku baran karaan. Shuruudaha lagu geli karo barnaamijkan waxaa ka mid ah imtixaannada qiimaynta ee dagmadu qaaddo ee loo yaqaano Cognitive Abilities Test (CogAt 7) ee fasallada 1-5.
Environmental Science: Waa barashada gaarka ah oo diirada saaraysa barashada cilmiga sayniska bey’adda kaasoo aalaaba lagu barto fasalka bannaankiisa.
E-STEM: Tacliinta bey’adda iyadoo lagu eegayo sayniska, tiknoolajiyadda, injineernimada iyo xisaabta. Ardaydu waxay isticmaalaan tiknooliyadda si ay u gudbiyaan xog xisaab ahaan, iyo inay isticmaalaan saynska iyo injineernimada si ardaygu u helo xirfad wax lagu lafo-guro oo maskaxda looga shaqeysiiyo.
Expeditionary Learning: Waxbarasho salka ku hayso mashruucyo uu ardaygu khibrad ahaan wax uga baranayo.
Finance, Academy of: Waxbarasho la xiriirta xisaabaadka iyo dhaqaalaha, ganacsiga caalamiga ah, hoggaaminta, iyo isticmaalka tiknoolajiga ee adeegyada dhaqaalaha iyo warshadaha.
French Immersion: Ardayda waxaa waxaa wax lagu baraa luuqadda Faransiiska si ay u noqdaan kuwa akhriyi kara, qori kara, kuna hadli kara Faransiis dhaqankana wax barta.
German Immersion: Ardayda waxaa la baraa Af-Jarmal si ay u bartaan, ugu akhriyaan, ugu qoraan islmarkaana ugu xiriiraan luuqadda Jarmalka waxna uga bartaan dhaqanka Jarmalka.
Hmong/English Dual Language: Ardayda ku hadasha af-Ingiriiska iyo kuwa ku hadla Hmong waxay labaduba wax ku bartaan labada luuqadood. Ardayda dhigata dugsiga dhexe iyo dugsiga sare waxay fasalka Hmongaha ku qaataan luuqadda, taariikhda iyo dhaqanka.
Information Technology, Academy of: Barashada culuumta kumbiyuutarka, macluumaadka xisaabaadka iyo maamulka, sameynta website-yada iyadoo diiradda la saarayo u diyaarinta ardayda shaqooyinka mustaqbalka ee tiknoolajiga xawliga ku socto.
International Baccalaureate (IB): Waa Barnaamij Caalamiya oo tacliinta la dardargelinayo si ay ardaydu u noqdaan kuwo wax soo saar leh oo dunida wax tara.
Mandarin Immersion: Ardayda waxaa wax lugu baraa luuqadda Mandarin ee Shiinaha si ay faham sare ugu yeeshaan akhriska qoraalka, iyo wadahadalka si ay ugu bartaan luuqadda Mandarin iyo dhaqanka Shiinaha.
Montessori: Iskoolladan waxay ku hagaan ilmuhu inay iyagu helaan wixii ay baran lahaayeen iyadoo lagu saleynayo arday walba meesha uu ku roon yahay, baahidiisa, waxyaabaha uu jecelyahay, taas oo ku habboon qaabka waxbarasho ee ardayga iyadoo lagu dabaqayo falsafadda Montessori.
Preparatory School: Wuxuu iskoolkani ardayda u diyaarin kolleejo iyo tacliin sare.
Science: Waa barashada gaarka ah oo diiradda saaraysa barashada cilmiga sayniska.
Spanish/English Dual Language: Ardayda ku hadasha Ingiriiska iyo kuwa ku hadla Isbaanishka waxay labaduba wax ku bartaan labada luqadood. Ardayda dhigato dugsiga dhexe iyo kuwa dugsiga sareba waxay waxbarashadooda ku sii wadanayaan barnaamijkan labada luuqadoodlaha ah.
Spanish Immersion: Ardayda waxaa wax lagu baraa luuqadda Isbaanishka si ay aqoon sare ugu yeeshaan akhriska, qoraalka, ku hadlidda iyo barashada dhaqanka Isbaanishka.
Barnaamijyada iyo Adeegyada
-
Barnaamijyada Waxbarashada iyo Ciyaaraha
Discovery Club
Discovery Club waa barnaamij caruurhayn (child care) oo lacag ah kaasoo kobciyo waxbarashada iyo horumarka caruurta dugsiga kahor iyo/ama dugsiga ka dib maalmaha iskuulku xir an yahay iyo xilliga fasaxa ee xagaaga. Barnaamijka waxaa heli kara ardayda hadda ka diiwaan gashan Xanaannada ka hor (PreK) ilaa fasalka 5-aad. Waxay ardaydu ka heli karaan dugsiga ay dhigtaan ama goob loogu tala galay Discovery Club. Wixii akhbaar dheeraad ah, qiimaha lacagta iyo isdaawiingelintaba, booqo spps.org/discoveryclub ama wac 651-632-3793.Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereenayo
Barnaamijkan EDL ee iskoolka ka dib baxo wuxuu ardayda ka caawinayaa dhinaca waxbarashada iyo hawlo aqoonkororsi. Wuxuu baxaa asbuucii laba maalmood (Isniin/Arbaco ama Talaado/Khamiis) ama afar maalmood asbuucii (Isniin ilaa Khamiis). Wuxuu socdaa saacad iyo 45 daqiiqo. Waxaa barnaamijkan laga bixiyaa cunto fudud iyo/ama casho iyo gaadiid ardaydii u qalanto. Wixii akhbaar dheeraad ah iyo sidaad isugu qori kartid, booqo spps.org/ extendedday ama wac 651-744-8020. Isha mari iskoollada ku qoran buuggan ee bixiyo barnaamijka EDL.Flipside
Waa barnaamij dugsiga ka dib baxa oo ardayda dugsiyada dhexe ka caawiya waxbarashada iyo hawlo aqoon-kororsi. Barnaamijkan waxaa lagu qabtaa 6 iskuul maalmaha Isniinta ilaa Khamiista. Waa iskoollada American Indian Magnet, Farnsworth Aerospace 5-8, Humboldt High School, Murray Middle, Ramsey Middle iyo Washington Technology. Cunto fudud iyo gaadiid ardayda geeya gurigooda markuu dhammaado barnaamijku waa la helayaa haddii ay taasi waafaqsan tahay nidaamka gadiidka iskuullada. Akhbaar dheeraad ah iyo goobaha booqo spps.org/flipside.Barnaamijka AVID ee lagu Kobcinayo Ardayga
AVID waa barnaamij khiyaari ah, fasal ahaanna uga baxa iskuullada kaasoo u diyaariyo ardayda u dhaxeyso fasallada 6-12 siday guul uga gaari lahaayeen galitaanka jaamacadaha iyo xirfadaha shaqada mustaqbalka. Barnaamijka AVID wuxuu gun-dhiggiisu yahay bixinta waxbarashada dhinaca akhriska, qoraalka, weyddiinta su’aalaha, wada shaqaynta ardayda, isnidaaminta, iyo waxyaalo badan oo kale. Ardaydu waxay helaan in laga la shaqeeyo duruusta, inay baaraan xirfadaha shaqooyinka jiro iyo inay booqdaan kolleejyada. Ardayda waxaa laga aqbalaa barnaamijka AVID kadib markay buuxsadaan codsi. Isha mari iskoollada ku qoran buuggan ee bixiyo barnaamijka AVID. Wixii akhbaar dheeraad ah, booqo spps.org/avid.Ciyaaraha
Fursadaha ciyaaraha ee dugsiyadu way kala duwan yihiin, balse arday walba wuxuu ka baranayaa hoggaaminta, wadashaqaynta, u-go’idda gaaridda hadafka aad rabtay, dhisidda shakhsiyad wanaagsan, tartan iyo ku faanidda dugsiga. Ardayda waa in ay u qalmaan ka qeyb-galka ciyaaraha iyadoo la eegayo waxbarashadooda iyo caafimaadkooda. Wixii xog ee quseeyo inay u qalmaan, ama quseeyo barnaamij qaas ah iyo wixii ciyaaro ah ee iskoolka cunuggaaga ka jiro, la xiriir agaasimaha ciyaaraha isboortiga ee iskoolka.Ciyaaro loo sameeyay ardayda naafada
Ardayda ku jirto fasallada 7-12 ee naafada ah jir ahaan ama maskax ahaan waxaa lagu dhiirro-gelin inay ka qeybgalaan ciyaarahan iyaga loogu talo-galay. Markii ay ciyaaraan isboortiga, ciyaartooyda waxay helaan kalsooni ay ku guuleysan karaan fasalka dhexdiisa, guriga, shaqada, iyo jaalliyadda dhexdeedaba.- Dayr: Adapted Soccer (loo gooni yeelay ardayda naafada)
- Jiilaal: Adapted Floor Hockey (loo gooni yeelay ardayda naafada)
- Gu’: Adapted Bowling or Softball (loo gooni yeelay ardayda naafada)
Wixii su’aalo ah la xiriir Matthew Osborne at 651-744-5640 ama matthew.osborne@spps.org. Jadwallada iyo wixii faahfaahin dheeraad ah, booqo spps.org/sports.
-
Barnaamijyada Caruurta Yar
Xannaanada ka hor (Pre-K)
Waxaa sannad-dugsiyeedka 2021-22 cusub in dhammaan fasallada Pre-K ay noqon doonaan kuwo baxayo saacado buuxa maalinkii oo dhan. Degmada SPPS waxay heysaa barnaamijyo 35 Pre-K ah, oo ay ku jiraan Montessori, luuqado kale oo duruusta lagu barto, barnaamijka caalamiga ah ee International Baccalaureate iyo barnaamijyo ka baxo iskoollada xaafadda. Fasallada dhammaan waxay baxaan shanta maalmood ee toddobaadka. Caruurta noqonaysa afar jir bisha September 1, 2021 ee deggan Saint Paul waxay xaq u yeelanayaan in ay galaan barnaamijka Xannaanada ka hor (Pre-K).Caruurta waxaa loo qaadanayaa barnaamijka Pre-K hadba siduu boos u bannaan yahay. Ahmiyadda ardayda lagu qaato waxaa ka mid ah haddii ardaydu yihiin kuwo baranaya afka Ingiriiska; haddii ay yihiin kuwo u qalmo qado la qiimo-dhimay ama bilaash ah; ama haddii ay helaan adeegyada Early Childhood Special Education (ECSE). Wixii xog dheeraad ah, booqo spps.org/prek ama Xarunta Meelaynta Ardayda ka wac 651-632-3760.
Baarista Caafimaadka ee Caruurta
Baarista caafimaadka ee dhallaanka Early Childhood Screening, waa barnaamij lagu ogaan karo baahida caafimaad ama koritaanka maskaxda ee ilmaha ka hor inta aysan galin kindergarten. Sharciga Gobolka Minnesota ayaa dalbanaya in dhammaan carruurtu maraan baaritaankan ka hor inta aysan u gudbin fasalka kindergarten ee dugsiyada dadweynaha. Baaritaankani waa lacag la’aan wuxuuna diyaar u yahay ardayda da’doodu u dhaxeyso 3-5 ee ku nool St. Paul. Wixii xog dheeraad ah, booqo: spps.org/Domain/10336 ama wac 651-632-3746.Barnaamijka Waxbarashada Caruurta iyo Qoyska
Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waxay bixiyaan waxbarashada waalidka iyo Caruurnimada-hore oo ka billaabata dhalmada ilaa iyo kindergarten. Waxaynu fasallo ku bixinnaa 10 meel oo Saint Paul ka mid ah. Dhammaan fasalladu waxay leeyihiin saddex qeybood: ilmaha iyo waalidka oo fasal wada joogo, ilmaha kaliya, iyo waalidka oo kaliya. Wixii macluumaad ah, booqo visit spps.org/ecfe ama wac 651-793-5410.Barnaamijka Caruurta Yar Yar ee Qabo Baahiyaha Gaarka ah
Barnaamijka maareynta xaaladaha gaarka ah ee caruurta dhasha ah ilaa saddex jirka (The Birth to Three Early Intervention) wuxuu bixiyaa adeegyo bilaash u ah qoysaska sannadkoo dhan. Qorshe gaar u ah adeegyada qoyska (Individualized Family Service Plan - IFSP) ayaa loo dejin reerka iyadoo lagu saleynayo meesha uu waalidku ahmiyadda saarayo xagga koboca ilmahooda. Adeegyada waxay ka dhacayaan guriga iyadoo aan waxba laga beddelin wixii guriga horey uga socon jiray, ama meelo lagu dhigo barnaamijka Early Childhood Family Education (ECFE), ama xarunta daryeelka caruurta.Early Childhood Special Education (ECSE) Adeegyada caruurta 3-4 jirrada ah waxaa lagu bixiyaa fasallo ah Pre-K ee iskoollada SPPS (4 jirro), ama goobo caruurta lagu hayo ama goobo loogu talo-galay xannaanada iskoolka, ama meelo lagu dhigo barnaamijka Early Childhood Family Education (ECFE), ama midka Head Start amaba guriga.
Wixii xog dheeraad ah, booqo spps.org/specialed ama wac 651-744-8094.
Horay U Gelidda Xannaanada Kindergarten
Ardayda ay dhalashadooda shanaad u dhaxeyso September 2 iyo December 31, 2021 way codsan karaan inay horey u sii galaan barnaamijka kindergarten iyagoo tegaya Xarunta Meelaynta Ardayda. Taariikhda kama dambeysta ah ee arjiga la rabo waa March 5, 2021. Ardayda lagula taliyay in ay horay u billaabaan Xannaanada waxaa la diiwaangelin doonaa ka dib markii boos loo helo oo la meeleeyo dhammaan ardayda xannaanada (5 jirka ah) ee mudnaanta koowaad leh. Qoysaska waxaa lagu boorin inay codsadaan barnaamijka Pre-Kindergarten oo bixi doono maalinka oo buuxa, ka dib markii sidoo kalena soo codsadaan barnaamijka Early Admission to Kindergarten. Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan wac Xarunta Meelaynta Ardayda 651-632-3760. -
Barnaamijyada Ardayda Barata Luuqadda Ingiriisiga
Barnaamijka Dadka Barta Luuqadda Ingiriisiga (EL)
Saint Paul Public Schools waxay siinaysaa ardayda gurigooda lagaga hadlo luuqad aan Ingiriis ahayn fursado ay ku kobciyaan Ingiriiskooda waxna ku bartaan. Boqolkiiba 30 qiyaastii ardayda Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waxaa gurigooda lagaga hadlaa luuqad aan Ingiriisi ahayn.- U Qalmidda: Inta ay isqoriddu socoto, qoysasku waxay buuxinayaan warqadda Minnesota Language Survey si loo ururiyo xog quseysa taariikhda ardayga. Ardayda waa la qiimayn si loo ogaado inay u qalmaan adeegyada barashada Ingiriiska (EL).
- Duruusta: Ardayda u qalmo barnaamijkan waxay helayaan waxbarasho diiradda saarayso kobcinta xirfadda ardayga ee luuqadda Ingiriiska. Waxbaristu waxay noqon mid isugu jirto wada shaqeyn dhex marto macallinka luuqadda iyo kuwa dhiga maaddooyinka asalka ah sida xisaabta iyo sayniska. Horumarka ardayga waxaa lagu qiimayn natiijada uu ka helo imtixaanka qaran ee la dhaho ACCESS*
- Ka Bixidda: Sannad walba, horumarka ardayga waa la qiimeeyaa si loo ogaado heerka uu ka joogo luuqadda Ingiriiska. Markii ay ardaydu buuxiyaan wixii aqoon ahaan la iska doonayay gobolka, way ka baxaan barnaamijka EL-ka.
*Imtixaanka ACCESS oo ah (Assessing Comprehension and Communication in English State-to-State ama Qiimaynta Fahanka iyo Adeegsiga af-Ingiriiska ee Gobol-ka-Gobol) waa imtixaan lagu ogaado horumarka ardayda barato af-Ingiriiska. Wixii xog dheeraad ah, booqo spps.org/ mll ama wac 651-767-8320.
Machadka Luuqadda
Caruurta ku cusub waddanka ee u baahan in ay soo kobciyaan tacliintooda luuqadda Ingiriisiga, waxay leeyihiin khiyaar ay kaga qaybqaataan Machadka Luuqadda. Ardayda fasallada 1-aad ilaa 12-aad waxay taageero dardar-gelin ah ka helaan macallimiinta dhiga Ingiriisiga iyo macallimiinta kale ee waxbarashada guud. Wixii akhbaar dheeraad ah, wac 651-767-8320. -
Adeegyada Waxbarashada Gaarka ah
Ardayda naafada ah waxay u qalmaan waayo-aragnimo waxbarasho oo la mid midda ay helaan facooda la midka ah ee ku jiro fasallada aan qabin baahiyaha gaarka ah/fasallada caadiga ah.
Arday walba oo xaq u leh waxbarashada gaarka ah wuxuu helayaa adeeg ku salaysan baahidiisa shakhsiga ah (IEP). Kooxda waxbarashadiisa gaarka ah (IEP team) oo ay ku jiran waaliddiin ayaa diiradda saaraya sidii loo caawin lahaa ardayda in ay helaan xirfado ay wax ku bartaan, dadka kula dhaqmaan, waxna ku qabsadaan si ay u noqdaan kuwo isku filan intii suurtagal ah.
Haddii aad leedahay ilmo u baahan waxbarasho gaar ah, arrin la xiriirta caafimaad, ama baahi naafo oo xagga ku dhex-socodka iskoolka ah, fadlan la xiriir Xafiiska Adeegyada Gaarka ah 651-767-8321 kahor intaadan arjiga soo celin. La xiriir maamulaha dugsiga aad dooratay si aad u ogaato in adeeg ku habboon laga heli karo dugsiga.
Adeegyada Waxbarashada Gaarka ah
Dugsiyada oo dhan waxay leeyihiin wax kamid ah waxbarashada gaarka ah iyo adeegyada la xiriira. Laakiin adeegyada oo dhan lagama heli karo dugsiyada oo dhan. Liiska hoos ku qoran waa adeegyada waxbarashada gaarka ah ee laga heli karo dugsi walba oo ka mid ah dugsiyada hoose, dhexe, iyo sare:- Waxbarashada gaarka u ah Naafada (SLD)
- Dhaga la’aan ama maqalku ku adegyahay (DHH)
- Argtidu ku xuntahay (indho la’aan) (VI)
- Fasal caawiya ardayda xanuunkooda la xiriira Dareenka iyo Dabeecaddu uusan aadka u darnayn. (EBD)
- Adeegyada hadalka iyo luuqadaha (SL)
- Caawimaadda kale ee la xiriirto naafannimada iyo xanuunada kale sida dhaawaca maskaxda ama jirka: macallimiinta waxbarashada gaarka ah iyo tan caamka ah ayaa dugsiyada dhan la shaqaynaya si arday walba u helo adeeg ku habboon.
- Maskaxda korriinkeedu daahay (Elementary) (DD)
Adeegyada La xiriira waxaa kamid ah:
- Adeega Dugsiyada ee Bulshada (SSW)
- Daawaynta Camaliyaadka (OT)
- Daawaynta Jirka (PT)
- Kobcinta la Qabsashada Waxbaashada Jirka (DAPE)
- Adeegga Kalkaalisada Iskuulka
- Adeegga tababarka si loo caawiyo ardayda in ay la qabsadaan dugsigooda iyo bay’adda uu ku yaalo (Dugsiga Sare Kaliya)
- Khibrada adeega shaqada; in la baro ardayda nolosha ka danbaysa dugsiga iyo in laga caawiyo helida fursado tababaro shaqo (Dugsiga Sare Kaliya)
- Adeegga dhinaca maqalka
Ardayda baahida caafimaad ee aadka u daran qabta gaar ahaan dhinca Koritaanka Xiska (Developmental Cognitive Disabilities), Cudurka Ootiisamka (Autism Spectrum Disorders) iyo Cudurrada la xiriira Dareenka iyo Dabeecada (Emotional or Behavioral Disorders), waxaa dhici kara in ay u baahan yihiin adeegyo ay bixiyaan hay’ado, ama barnaamijyo kale oo gaar ah ugu yaraan qeyb ka mid ah maalintii wakhtiga dugsiga. Haddii qorshaha IEP uu leeyahay wax ka badan 180 daqiiqo oo ah adeeg maalinle ku aaddan dhinaca kaalmada waxbarashada ee saddexdan qeybood, ilmaha waxaa loo gudbinayaa iskuul ku yaalla aagga uu deggan yahay oo bixiya adeegyadaas. Waaliddiintu waxay la shaqayn karaan kooxda Adeegyada Waxbarashada Gaarka ah (IEP team) si ay macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dugsiga ay dooranayaan u ogaadaan.
Adeegyada Waxbarashada Gaarka ah iyo Barnaamijka Aag walba
Adeegyo iyo waxbarasho gaar ah oo ku salaysan baahida arday walba ayaa laga heli karaa aag walba.Iskoollada Barnaamijyada Waxbarashada Gaarka ah
Dugsiyadeena waxbarashada gaarka ah waxay ardayda baahida wayn qaba siinayaan taageerada iyo adeegyada ay u bahanyihiin kuwaasoo aysan ka heli karin iskoollada caadiga ah. Ardayda waxaa barnaamijyadaan loo soo diraa markii loo eego qorshahooda Adeegyada Waxbarashada Gaarka ah (IEP).Guddiga La-taliyayaasha Waxbarashada Gaarka ah
Guddigan wuxuu ka kooban yahay waaliddiin, macallimiin iyo dad bulshada ka mid ah oo danaynaya. Waxay talooyin ku saabsan waxbarashada gaarka ah siiyaan kaaliyaha isku duwaha dugsiyada ee Xafiiska Adeegyada Gaarka ah. Wixii akhbaar dheeraad ah oo ku saabsan guddigan, wac Jackie Kelly at 651-767-3437 ama u dir iimeyl Jackie.Kelly@spps.org.
Su'aalaha La Is-weydiiyo Inta Badan
-
Codsiyada iyo Is-diiwaangelinta
Maxaa dhici doona haddii aan soo gudbiyo wax ka badan hal codsi?
Doorashadaada iskuulka ee codsigaagii ugu dambeeyey ee aad soo gudbisay ayaa laguu tixgelinayaa is-diiwaangelinta.Haddii aan iskuul kale soo codsanno, ilmahaygu miyaa laga saarayaa iskuulka uu hadda dhigto?
Lagama saarayo ilmahaagu iskuulka uu hadda dhigto haddii aad soo codsataan mid cusub, laakiin waxaa laga saarayaa marka uu iskuul kale aqbalo.Haddii aad rabtaan inaad joogtaan iskuulka hadda, waa in aad diidmo ku muujisaan waraaqda yeelidda iskuulka cusub. Soo ogeysii xafiiska meeleynta ee Student Placement Center taariikhda ku qoran ogeysiiska yeelidda. Fadlan ogow waxaa laga yaabaa in aad boos ka weydaan iskuulkii hore haddaad ku noqoneysaan.
Ma dhigan karaa ilmahaygu dugsiga hoose ee ugu dhow xannaannada intii uu dhigan lahaa mid nooga dhow?
Haa, waalidiinta raba in ilmahoodu u dhigto iskuul u dhow xannaannada waxay codsan karaan iskuul u dhow meeshaas. Si kastaba ha noqotee oggolaanshaha lama dammaanad qaadi karo.Qoysaska aan ku nooleyn Saint Paul ma soo codsan karaan dugsiyada dadweynaha ee Saint Paul Public Schools?
Haa. Sida ku qoran sharci hoosaadka Fursadaha Isdiiwaangelinta ee Minnesota, qoysasku waxay codsan karaan dugsiyo PreK ilaa 12-aad ku yaalla degmo ka baxsan magaaladooda. Boosaska bannaan iyo xeerarka dugsiyada degmadaas ayey ku xiran tahay.Sidee baan kor ugu qaadi karnaa fursadaha aan ilmahayga ugu heli karo iskuul gaar ah?
Laba talo oo aad ku heli karto fursadahaas waxaa ka mid ah:- Inaad soo codsato wakhtiga kama-dambeysta codsiga.
- Inaad deegaan ka dhigataan Meelaha uu ku yaallo iskuulka aad rabtaan si ilmahaaga loo siiyo mudnaan ka fiican ardeyda ku nool meelaha fogfog. Fadlan ogow boosaska bannaan iyo xeerarka maamulka degmada ayaa kaa hor istaagi kara inaad iska diiwaangelisaan iskuul gaar ah.
Miyaan haystaa fursad wanaagsan oo aan ku helo iskuulka koowaad haddii aan codsiga soo gudbiyo kama-dambeysta ka hor?
Maya. Dhammaan codsiyada muddada loo qabto si isku mid ah ayaa loo tixgeliyaa.Miyaa Ilmahayga loo hubaa oggolaanshaha mid ka mid ah iskuulladaan doorannay ee codsiga ku qoran?
Maya. Iskuullada badankooda waxaa soo gaara codsiyo ka badan inta ay qaadan karaan. Haddii iskuulladaad xulatay caadi ahaan ay ciriiri yihiin ama codsiyo badan soo gaaraan, fursadaha aqbalaadda ee aad ka heli kartaan iskuulladaas waa ay yar yihiin.Maxaa dhacaya haddaan codsiga soo dirno wakhtiga kamadambeysta ka dib?
Dugsiyada dadweynaha ee Saint Paul Public Schools ardeyda waa ay diiwaan geliyaan sannadka oo dhan. Inaad wakhtiga kama-dambeysta ah ka soo gaartaan ayaa ah sida ugu fiican ee aad u badin kartaan fursadaha aad ku heli kartaan iskuulka aad rabtaan. Xafiiska meelaynta ee Student Placement Center waa uu furan yahay sannadka oo dhan oo qoysaskana wuxuu kala shaqeeyaa iskuulka ay rabaan. Si aad ballan u qabsato la soo xiriir xafiiska Student Placement Center 651-632-3760.Immisa jir ayey tahay da'ada laga rabo ilmahayga si uu iskuul u dhigto?
Carruurta jirta shan sano 1-da Sebtembar, 2021 ama ka hor, xaq ayey u leeyihiin in ay dhigtaan kindergarten sannaddugsiyeedka 2021-22. Carruurtu waa in ay jiraan afar sano 1-da Sebtembar, 2021 ama ka hor, si ay xaq ugu yeeshaan sannadka barbaarinta ee sannad-dugsiyeedka 2021-22.Haddii aan ku noolahay magaalada Saint Paul, ilmahayga ma loo hubaa helidda dugsiyada dadweynaha ee Saint Paul Public School?
Haa, waa wax la hubo in ilmaha Saint Paul helayaan kindegraten ilaa 12-aad. Xafiiska Student Placement Center ayaa qoysaska kala shaqeeya in ilma kasta iskuul ka helo Saint Paul. Markuu iskuulka Pre-K buuxsamo, liis ah sugid ayaa loo sameeyaa qoysaska oo waa lala xiriiraa isla marka boos loo helo.Miyaan ku khasbanahay inaan xaqiijiyo cinwaankeyga?
Waxaa laga yaabaa in lagaa codsado inaad xaqiijiso cinwaankaaga si laguugu caawiyo is-diiwaangelinta aad xaqa u leedihiin iyo baska iskuulka. Waxyaabaha xaqiijinta waxaa ka mid noqon kara laakiin aan ku ekeyn aqoonsiga gobolka ama laysanka baabuur-wadidda iyo warqad caddeynaysa magaca waalidka/masuulka cinwaanka ugu qoran codsiga.Haddii uu mid ka mid ah carruurteyda dhigto fasalka ugu dambeeya sannadkan, ilmahayga yaryar ma loo hubaa helidda iskuulka sannadka dambe?
Maya. Ardeyga weyn ee hadda dhigta iskuulka waa in uu dhigan doono iskuulka sannadka soo socda si mudnaanta walaalka loogu eego ilmaha yar.
Haddii aan doorto iskuul ka baxsan Soonaheena oo aan heli weyno, miyaan si toos ah boos uga helayaa iskuulka ugu dhow xaafadda?
Maya. Ardeydu waxay labo doorasho ku haystaan codsiga iskuulka. Waa in ay ku qortaan iskuulka xaafadda mid ka mid ah doorashadooda haddii ay codsanayaan iskuul ka baxsan Soonahooda.Haddii aan ku nool nahay meel u dhow iskuul, si toos ah miyaa naloo aqbalayaa?
Maya. Mudnaantaada iskuulka waxaa lagu saleynayaa inaad ku nooshahay Soonaha iskuulkaas (A-F1/F2), balse lama tixgeliyo dhawaanshaha.Haddii ilmahaygu dhigto iskuul ah magnet magaalada ku yaalla ama mid ka baxsan Soonaha, boos ma looga helayaa sii-wadashada barnaamijkaas?
Haa, boos ayaa ilmahaaga loo helayaa oo looma baahna in aad soo codsataan. -
Baska Iskuulka
Haddii ilmahaygu dhigto iskuul ka baxsan Soone ii dhow, ilmahaygu ma heli karaa bas haddii aan geeyo meesha uu istaago baska iskuulka?
Maya. Haddii ilmahaaga laga aqbalo iskuul ka baxsan Soone kuu dhow, waa inaad adigu geysato kana soo qaaddo. In kasta oo ay u ekaan karto xal fudud, ardeydu ma raaci karaan bas iskuul oo aysan xaq u lahayn ama aysan ku qorneyn.Ma dhigan karaa ilmahaygu iskuul caalami ah (IB) oo ku yaalla Goob naga fog? Bas miyuu u raaci karaa ilmahaygu?
Ma la aqbalayaa iskuul Soone fog oo ah IB? Ardeyda dooneysa barnaamijka IB oo ah magnet ka fog Soone gurigooda ah waa codsan karaan, laakiin baska waxaa lagu qaadayaa haddii boos loo helo keliya. Xataa haddii iskuulku aqabalo, looma helayo bas qaadi doona.Ma waxay u baahan yihiin in laga aqbalo barnaamijka International Baccalaureate (IB)/Maaddooyinka Kuleejka (AP) si ay u helaan bas qaada?
Ardeyda codsata ee ka qeyb qaadata barnaamij ah magnet IB ama AP waxay helayaan bas qaada iyadoo loo eegayo shuruudaha basaska loogu kala qoro ardeyda. Haddii ardeygu joojiyo barnaamijka iskuulkaas, baskii qaadayeyna waa laga joojinayaa. Barnaamij kasta waxa uu leeyahay xaddi qorsheysan oo ah diiwaangelin. -
Diiwaangelinta/Aqbalaadda Ka dib
Maxaa dhacaya marka ilmahayga aqbalaan dugsiyada dadweynaha ee Saint Paul Public Schools?
Qoysasku waa loo soo diraa warqad iyo/ama farriin boostada intarnetka ah. Ardeyda waxa keliya oo lagu qori karaa hal iskuul sannad-dugsiyeedka soo socda.Maxaa dhacaya haddii aan ilmahayga laga aqbalin mid ka mid ah iskuulladii aan u codsaday?
Markaas ilmahaagu wuxuu liiska sugidda uga jiraa sidii uu iskuulladaas u codsaday. Haddii boos loo helo waa lagula soo xiriiri doonaa si aad ilmahaaga uga soo diiwaan geliso iskuulka aad heshaan.Waa maxay liiska sugitaanka?
Liiska sugitaanka waxaa hab loo sameeyey iskuullada iyo barnaamijyada ay soo gaaraan codsiyo ka badan ilmaha ay aqbali karaan. Ardeyda waxaa liiska sugitaanka loo geliyaa iskuulka ugu horreeya ee u qoran:- Haddii boos looga waayo iskuulka koowaad ama kan labaad ee u qoran AMA
- Ardeyda waxaa aqbala iskuulka labaad ee u qoran
Liisku waxa uu dhacaa laba toddobaad ka dib marka sannad-dugsiyeedku bilowdo iskuullada iyo barnaamijyada badankooda. Waxaa ka reebban barnaamijyada 'pre-K', barnaamijyada dugsiga hoose ee luuqadda iyo iskuulka Capitol Hill Gifted and Talented.
Magaca ilmahaygu ma ku jiri karaa in ka badan hal liis oo ah sugitaanka?
Maya. Ardeyda waxa keliya oo ay isku qori karaan waa hal liis oo ah sugitaan. Liiska sugitaanka wuxuu khuseyaa oo keliya iskuulka koowaad ee ilmaha u qoran. -
Manhajka/Waxbarista
Sidee baan ku ogaan karaa waxa ilmahaygu ku baran doono iskuulka?
Fadlan booqo barta intarnetka ee Office of Teching and Learning si aad uga hesho macluumaadka waxa lagu dhigo iskuullada spps.org/otl.Halkee baan ka heli karaa xogta heerka waxbarashada ee iskuul kasta?
Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul Public Schools ayaad si sahlan uga heli kartaa xogta heerka waxbarashada ee iskuul kasta. Fadlan booqo barta intarnetka ee xarunta xogta iskuullada ama School Data Center spps.org/data.Waa maxay farqiga u dhaxeeya AP iyo IB?
AP (Advanced Placement) iyo IB (International Baccalaureate) labadaba waxay ardeyda siiyaan fursad ah waxbarasho maaddooyin aad loo dardargeliyo. AP waa koorsooyin heerkuleej ah oo waxaa manhajkooda keena Guddiga Kuleejyada, oo ah urur ardeyda ku xira fursado guul looga gaari karo kuleejka. Ardeyda dugsiga sare ee qaata koorsooyinka AP waxay ku helayaan dhibco heer kuleej ah markay imtixaanka ku gudbaan. Koorsooyinka IB waa kuwa la isku siiyo shahaado IB caalami ah oo la aqoonsan yahay; ardeyda qaadata koorsooyinka IB waxay ku heli karaan dhibco heer kuleej ah markay imtixaanka ku gudbaan. Kala hadal la-taliyaha waxbarashada ee iskuulka wixii macluumaad gaar ah oo ku saabsan barnaamijyada iskuullo gaar ah. -
Tallaalada Ardayga looga Baahan yahay
Ilmahaygu ma u baahan yahay in la tallaalo si uu iskoolka u dhigto?
Tallaalku wuxuu ardayda ka ilaaliyaa cudurrada faafa ee caruurnimada; kaas oo yareynaya jirro, maqnaansho, iyo caafimaad-darro joogto ah oo saameyn ku yeelan kara awoodda waxbarasho ee ilmaha.Sharci-hoosaadka gobolka (MS 121A.15) ayaa dhigaya in arday kasta oo dhigta iskool ku yaal Minnesota laga soo tallaallo xannuunada carruurnimada la isku qaadsiiyo. Tallaalada loo baahan yahay way kala duwanaan karaan markii loo eego da'da ama fasalka uu ku jiro ardayga. Tallaalada waxaa ka mid ah gawracatada, xiiqdheerta iyo teetanada (DPT); dabeysha; Jadeecada, qaamo-qashiirka iyo jadeecada jarmalka (MMR); Cagaarshowga nooca B; qoorgooyaha; iyo jeermiska busbuska (ama busbus). Intaas waxaa sii dheer, carruurtaas da'doodu ka yar tahay shan sano waa in laga tallaalaa Hargabka la dhaho Haemophilus ee ah nooca B, iyo Cagaarshowga A.
Waalidka/masuulka reerka waxaa sharci ahaan tallaaladaan looga dhaafi karaa sababo caafimaad ama wax ay rumeysan yihiin awgood. Dhammaan ardayda ku cusub Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul (SPPS) waa inay iskoolka keenaan diiwaankooda tallaalkooda ama caddeyn ah nootaayo oo muujinaysa in laga dhaafay tallaalka.
Xarunta Meelaynta Ardaydu (Student Placement Center) waxay tallaalo siisaa ardayda aan lahayn caymiska caafimaadka ama kuwa leh caymis laga bixiyo Gobolka Minnesota. Wixii xog dheeraad ah, Waaxda Caafimaadka iyo Fiyoobida Ardayda oo ku dhex taalla Student Placement Center ka wac 651-632-3763 ama booqo spps.org/studentwellness.
Maxaa loo Tallaalayaa? Tallaalka wakhtigiisa la qaato sannadaha lagu jiro carruurnimada waa muhiim. Sababtu waxay tahay wuxuu tallaalku caruurta siiyaa difaac ka hor inta aysan carruurtu halis u gelin cudurro nafta khatar gelin kara. Tallaalada waa la tijaabiyay si loo hubiyo inay yihiin kuwo leh bedqab iyo waxtar si ay carruurtu u helaan tallaaladaas da'dii lagu taliyey.
Ogeysiiska sannad kasta ee ardayda naafada ah
Dugsiyada dadweynaha ama SPPS waxaa ka go'an in ay ardayda degmada ku nool oo dhan u dhigaan waxbarasho ku habboon oo bilaash ah. Ujeeddada SPPS waa in la hubiyo in ardayda naafada ah la aqoonsado, sida ku qeexan Qeybta 504 ee Sharcigii Baxnaaninta ee 1973, iyo in la qiimeeyo si wax kasta loogu qabto sida ugu habboon uguna macquulsan. Wixii xog dheeraad ah fadlan kala xiriir Saint Paul Public Schools 651-744-4905.
Codso
-
Codso online ahaan oo gal spps.org/apply ugu dambeyn March 5, 2021, si’aad u heshid fursadda ugu fiican ee aad ku geli kartid iskoolka aad xulatid.
Arjiga codsashada iskoolka waa la daabacan karaa oo waxaa lagu soo diri karaa boostada:
Student Placement Center
2102 University Avenue West
Saint Paul, MN 55114
Imow Warbixinta Iskoolka oo ah Mid Khadka Intarnetka ka Dhaceys
-
Warbixinta ka dhaceyso khadka intarnetka (virtual open house) waa fursad fiican oo aad wax badan ka ogaan kartid iskoollada ku xiiso-geliyo. Is-barta shaqaalaha, “fiiri” fasallada oo wax ka ogow barnaamijyada iyo adeegyada loo heli karo ilmahaaga.
Click here for dates and times.