Return to Headlines

Soomaali: Wararka Hadda ka Socdo SPPS - September 21, 2023

Waxaynu nahay SPPS: Chef Bono & Jikada Nutrition Center Kitchen

Markaad ka fikirtid qadada iskoolka, waxaa laga yaabaa inaadan ka fekerin rootiga guriga lagu sameeyo, noocyada maraqa ee khaaska ah ama walxaha laga keenay ganacsiyada qoysku leeyihiin. Laakiin taasi waa waxa dhabta ah ee ay ardayda SPPS helaan si ay u cunteeyaan maalin walba mahadi hanaga gaarto dedaalka Chef Bono iyo kooxdiisa shaqada adag ee ku sugan jikada xarunta nafaqada Nutrition Center Kitchen. Intaas oo dhan waxaa ka sii fiican in dhammaan cuntooyinkan dhadhanka fiican leh ay bilaash yihiin laga billaabo sannadkan!

Cusbooneysiinta App-ka Xaaladda Baska

App-ka Xaaladda Basaska wuxuu qoysaska iyo ardayda u sheegaa xogihii baska ee u dambeeyay. App-kan cusub ee la sii hormariyay ayaa xilli ku habboon hadda diyaar u ah in loo isticmaalo sannadka-dugsiyeedka cusub! App-ku si ootamaatig ah isuma dhex cusbooneysiin doono taleefankaaga, wuxuuna ogeysiisyada joojin doonaa September 29-keeda ka dib. Si bilaash ah ku soo dejiso app-ka cusub ee Xaaladda Basaska oo gal Apple App Store ama adigoo gelayo Google Play.

U dabbaaldegga Maalinta Socodka, Baaskiilka iyo Aadidda Iskoolka

SPPS waxay ku casumaysaa qoysaska iyo dugsiyada inay u dabaaldegaan maalinta koowaad ee Socodka, Baaskiilka, iyo Aadidda Iskoolka ee sannad-dugsiyeedka 2023-24 oo ah October 4. Keliya ma ahan wax xiiso badan in iskoolka lagu tago socod iyo baaskiil ee waxay kaloo leedahay caafimaad, una roon tahay bay'adda. Dugsiyadu waxay dooran karaan maalmo kala duwan October si ay u qabtaan munaasabaddan, markaa kala xiriir iskoolkaaga si aad u ogaatid maalinta ay qorsheynayaan inay u dabaaldegaan.

Septembar Waa Bisha Wacyigelinta Soo Xaadiridda Iskoolka

In ardaygu yeesho caadooyin ah inuu iskoolka si wanaagsan u soo xaadiro waxay ka caawin kartaa inuu guulo ka gaaro sannad-dugsiyeedka. Wax badan ka baro caadooyinka fiican ee soo xaadiridda iskoolka iyo xeerarka isxaadirinta ee iskoolka oo gal spps.org/attendance.

Ma leedahay caymiska caafimaad ee Medical Assistance ama MinnesotaCare?

Xubnaha caymiska MinnesotaCare iyo Medical Assistance waa inay maraan nidaamka cusboonaysiinta sannadlaha ah si loo go 'aamiyo haddii ay weli u qalmaan adeegyada. Adeegyada waxaa ka mid ah daryeelka caafimaadka, daryeelka caafimaadka dhimirka iyo daaweynta kuwaas oo qayb ka ah Barnaamijyada Waxbarashada Shakhsiyeed ee Ardayga (IEPs). Dib u cusbooneysii caymiskaaga iyo caymiska ilmahaaga si looga fogaado inuu kala go'o caymiska.

Xusuusinta Taariikhaha Kaalanderka

Iskool u ma jiri doono fasallada PreK-12 ee dhammaan dugsiyada Isniinta, September 25, iyadoo la xusayo Yom Kippur oo sidoo kalena waxaa jiro horumarinta xirfadaha macallinka.