Return to Headlines

Waxa Hadda ka Socdo Degmada SPPS - May 21, 2020

War Quseeya Buundo-siinta Ardayda SPPS
Si loo xaqiijiyo ardayda inaan loo qaban duruufo ka baxsan awooddooda, dhammaan ardayda dhigato dugsiyada sare waxay ugu yaraan helayaan buundo ah P (Pass – oo ah baasid) rubuca afaraad ee sannad-dugsiyeedka. Wixii xog dheeraad ah, oo ay ku jirto isbeddel xagga buundo-siinta ah oo loo sameeyay fasallada kale, guji lifaaqa kore. 

Bogaadinta Arday Qabatay Shaqo Wacan
Dhowr ardayda Saint Paul Public Schools ah ayaa lagu bogaadiyay guulaha ay ka keeneen tartanno kala duwan oo heer gobol ah sida History Day, midka ProStart Invitational Culinary Competition iyo Triple A Award.

Xog Quseysa iPadka ee Dhammaadka Iskoolka
Ardayda ku soo noqoneyso SPPS deyrta 2020 waxay guriga ku heysan karaan iPad-kooda iyo fiiladii korontadaba jiilaalkan. Ardayda aan ku soo noqoneyn SPPS deyrta 2020 waa inay iskoolka ku soo celiyaan iPadkooda iyo fiiladii korontadaba ugu dambeyn June 9, ama taariikhdaas haddii la dhaafo waa inay geeyaan cinwaankan: 1930 Como Ave. Saint Paul, MN 55108.

Mashruuca Xisaabta ee ‘Math with Me MN’
Degmada Saint Paul Public Schools waxay billawday mashruuc cusub oo lagu dhex qabanayo fasalka xisaabta, lana yiraaho “Math with Me MN.” Waxaa loogu talo galay inay noqoto xisaab ay ardaydu xiisayso, lana wadaagaan qoyskooda, asxaabtooda, iyo bulshadaba.

Degmada SPPS oo Bixisay 2 Milyan oo Cunto Baakadaysan ah
Toddobaadkan, SPPS waxay bixisay cunto kor u dhaaftay 2 milyan oo baakadood laga soo billaabo maalinkii iskoollada loo xiray COVID-19 dartiisa March 16, 2020. 

Xuska Memorial Day: Iskool ma jiro
Isniinta, May 25, waa xuska Memorial Day. Ardayda kama shaqeyn doonaan wax duruus ah, macallinkana lama soo xiriirayaan Isniinta.