Return to Headlines

Kulanka Dhammaadka Iskoolka ee uu Superintendent Joe Gothard ku qabanayo Khadka Intarnetka

Iyadoo aynu ka murugeysannahay dhimashada George Floyd, afkana ka diidayno caddaalad-darrada ay la kulanto bulshadeenna iyo bulshooyinka kaleba, Superintendent Joe Gothard wuxuu qoysaska u qabanayaa kulan ah khadka intarnetka iyadoo kombiyuutarka la isticmaalayo. Waa Khamiistan, June 4, saacadduna waa 7:30 p.m.

Inta uu kulankan khadka intarnetka ah socdo, Dr. Gothard wuxuu wax ka oran waxa ay Saint Paul Public Schools qabanayso si loo garab istaago bulshadeenna xilligan adag. Wuxuu kale oo uu taaban doonaa horumarkii la gaaray sannad-dugsiyeedkan isagoo uga mahad naqayo ardayda iyo qoysaskaba dedaalkooda iyo taageeradoodaba. Wuxuu kaloo qoysaska la wadaagi doonaa qorshayaasha jiilaalka iyo waxa la damacsan yahay deyrta.

Qoysaska su’aalahooda kulanka ka hor ha ku soo diraan email-kaan: communications@spps.org. Dr. Gothard ayaa ka jawaabi doono intii uu ka gaaro su’aalahaas inta uu socdo kulanka tooska ah. Fadlan soo dir su’aalahaaga ugu dambeyn 4:30 p.m. Talaadada, June 2.

Fadlan guji halkan si aad u soo gashid kulanka khadka intarnetka ka dhacayo: https://eduvision.tv/l?mtytRD

Waxaynu rajeyn inaynu ku aragno Khamiista iyo 7:30 p.m. galabnimo. Haddii aadan awoodin inaad soo gashid kulanka tooska ah, waxaa la soo gelin doonaa barta spps.org oo aad daawan kartaa xilliga kuu shaqeynayo.

Waxaad ku mahadsan tahay inaad ka mid tahay qoyska SPPS. Fadlan ku dedaal bed-qabkaaga, oo nagu soo biir si aynu caddaalad ugu raadinno dhammaan dadka.